13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Gobolka Hiiraan oo howlgal ay sameeyeen ku soo qabtay ilaa 30 burcad ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, January 19, 2007(HOL): Ciidamda Dowlada federaalka ee ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay howl-gal burad sifeyn ah oo ay ka sameeyeen jidka dheer ee isku xira gobolada dhaxe waxaa lagu soo qab-qatay kooxo burcad ah oo si sharci daro ah dadka safarka ah uga qaadan jiray lacago baad ah mar marka qaarna dhibaato u geysta musaafurka.

 

Howl-galka oo ahaa mid soo if-baxay kadib markii ay soo bateen cabashooyin is-daba joog ah oo ay muujiyeen gadiid layda ku safarta watada dheer ee aadda Gobalada dhaxe, ayaa waxaa ka qeyb-qaatay ciidamo aad u hubeysan oo wata gawaarida dagaalka, kuwaasoo saacadihii aynu soo dhaafnay soo qab-qabtay ilaa 30 burcad ah sida uu HOL u sheegay Cali Dhuux Cabdi Mahad-Alla oo ah Taliyaha nabad-galyada gobalka.

 

Taliyuhu waxaa uu intaas ku daray in ciidamadu si joogta ah uga sameyn doonaan ilaalo gaar ah goobaha lagu tuhmo in ay ku dhuumaaleystaan kooxaha burcadda ah oo inta badan xiliyada habeenkii dhibaateeya dadka safarka ah, waxaana uu intaas ku daray in aan loogu dul-qaadan doonin burcadda dhaqamadooda xun xun isla markaana kuwa hadda la hayo la horkeeni doono sida uu hadalka u dhigay cadaaladda,

“Waqtigii maxkamadaha Ammaanku waxaa uu ahaa mid aan wax cabsi ah laga qabin hadda oo ay dowladdu maamusho gobalkana kama yeeli doono in burcadu soo laabato” ayuu yiri taliyuha oo u muuqday in uu si weyn uga carooday su’aalo iska soo daba noqday oo ku saabsanaa waxa keenay in jidkooyadu soo laabto bur burkii maxkamadaha kadib.

 

Maal-mihii aynu soo dhaafay waxaa si weyn isu soo tarayay dhibaatooyin kala gedisan oo ay kooxo burcad ah ku hayaan dadka safarka ah iyo waliba gadiidka ku safra wadada loogu safro Gobollada dhexe, waxaana falal dhowr ah oo ay fuliyeen kooxo burcad ay sababeen dhimasho iyo dhawac intaba, waxaana xusid mudan in tallaabada hadda ay qaateen ciidamada nabad-galyada dowlada federaalka ay wax weyn ka tari karto sidii loo hanan lahaa nabad-galyada guud ee gobalka iyo waliba gobolada dhexe oo idil.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).