Jimco, January 19, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo maalmihii tegay ku sugnaa Magaalada Baydhabo oo fariisin u ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho kadib markii uu socdaal dhinaca dhulka uga soo amba baxay Magaalda Baydhabo.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa intii uu Baydhabo ku sugnaa waxaa uu kulamo la qaatay Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka, kuwaasi oo uu warbixin ka siinayay howlaha ay dowladda Federaalka ka qabatay magaalada Muqdisho, isagoo u xaqiijiyay xubnihii uu la kulmay in ay dowladda Federaalka ku howlgeli karto magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa sheegay in Raiisal Wasaaraha intii uu ku soo socday Wadada isku xirta Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho uu kulamo la soo qaatay saraakiisha Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo wadadaas ku sugan, kuwaasi oo ammaanka sugaya.
Diinaari waxaa uu intaas ku daray in Ra’iisal Wasaaraha markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho uu kulamo la qaatay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, kaasi oo ay kala war qaadanayeen, wuxuuna caddeeyay in socdaalkii uu Ra’iisal Wasaaraha ku tegay Magaalada Baydhabo uu guul ku soo dhamaaday. Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Baydhabo waxaa uu ka soo qeybqaatay kulan xilka looga qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online