Jimco, January 19, 2007(HOL): Abaanduulaha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya Jen. Ismaaciil Qaasim Naaji ayaa ka warbixiyay sida loo kala hormarinayo hub ka dhigista lagu sameynayo shacabka Soomaaliyeed ee ay waddo dowladda federaalka.
Jananka oo ka hadlayay munaasabad hubka looga wareejinayay Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa sheegay in marka hore hubka laga dhigayo hoggaamiye kooxeedyada, kadibna ganacsatada iyo hay’adaha, iyadoo ugu dambeynta hubka laga dhigi doono dadka shacabka ah.
Ilaa iyo haatan waxaa uu sheegay in ay dowladda Federaalka ku guuleysatay in ay hubka ka qaado qaar ka mid ah hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho oo dowladda ku jira sida Maxamed Qanyare, Muuse Suudi, Cumar Filish iyo Xuseen Caydiid, kuwaasi oo uu sheegay in ay hubkooda iyo maleeshiyooyinkooda ku wareejiyaan dowladda, wuxuuna caddeeyay in maleeshiyooyinkaas tababar loo sameyn doono kadibna laga dhigi doono Ciidamo ay leedahay Dowladda Federaalka.
Maalmaha soo socda ayaa la filaya in ay iyana hubkooda ku wareejiyaan Dowladda Hoggaamiye kooxeedyo aan dowladda ku jirin oo ay ka mid yihiin Maxamed Dheere, Cabdi Qeybdiid iyo Cabdi Nuurre Siyaad, kuwaasi oo horay u sheegay in ay lagama maarmaan tahay in hubka uu galo gacanta Dowladda Federaalka, shacabkana uu noqdo mid aan hubeysneyn.
Hoggaamiyayaashan isugu jira kuwo ku jira Dowladda Federaalka oo xildhibaano ah iyo kuwo aan ku jirin ayaa waxaa deegaanadii ay ka talinayeen ka ceyrsaday bartamihii sanadkii hore maxkamadihii Islaamka ee ay iyana sii ceyrsadeen dhamaadkii sanadkii hore Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwo Itoobiyaan ah, waxayna hoggaamiyayaashan dabacsanaantan muujiyeen kagadaal markii ay deegaanadoodii dib ugu soo noqdeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online