Khamiis, January 18, 2007(HOL): Kooxo Burcad ah oo ku hubeysnaa qori gacmeedyo ayaa waxay ku dileen Tuulada Garsaale oo dhowr iyo labaatan Km Koofurta kaga toosan Degmada Jowhar seddex ruux oo ka mid ahaa rakaab saarnaa Gaari 110 ah oo ka tegay Tuulada Buula Burte ee Gobolka Hiiraan.
Kooxda Burcadda ah oo rasaas Huwiyay Gaariga ayaa markii uu gaariga istaagay waxay kula dhaqaaqeen baarasho, iyagoo dadkii gaariga saarnaana ka qaatay wixii lacag iyo sahay ahaa ee ay wateen.
Waa markii ugu horeysay oo uu deegaankaas ka dhaco fal ceynkan oo kale ah tan iyo wixii ka dambeeyay markii magaalada Jowhar gacan ku heynteeda lagala wareegay Maxkamadihii Islaamka, inkastoo ciidamada Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe la sheegayo in ay ku howlan yihiin wax ka qabashada xaaladda ammaan ee deegaanada hoos yimaada Gobolkaas.
Dhanka kale, Imaam Maxamuud Imaam Cumar iyo Odayaal Nabaddoono ah ayaa ku baxay xiisad colaadeed oo ka dhex oogantay beelo wada dega Tuulada Biya Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo dagaallo dhexmaray iyo weerarro gaadmo ah oo ay isku qaadeen isaga dilay ilaa 11 ruux. Imaamka iyo Odayaasha la socda ayaa haatan waxay wada hadallo xiisadda lagu qaboojinayo la leeyihiin Odayaasha labada beelood.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online