13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Magaalada Afgooye oo qofkii Qori lagu arkayo la tooganayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, January 18, 2007(HOL): Odayaasha, Waxgaradka iyo maamulka cusub ee Degmada Afgooye ayaa kadib markii ay kulan ka yeesheen xaaladda nabadgelyo ee degmadaas waxay dan u arkeen in sharci xakameynaya lagu soo rogo maleeshiyooyin beeleedyo falal nabadgelyo darro ah ka waday Degmada Afgooye.

 

Kulanka dhexmaray Maamulka cusub iyo Odayaasha iyo Waxgaradka Degmada Afgooye ayaa wuxuu yimid kadib markii ay saakay maleeshiyooyin hubeysan ay is-hortaag ku sameeyeen howlo uu maamulka ka fulin lahaa degmada Afgooye.

 

Kulankaas ayaa waxaa ka soo baxay go’aan ah in qofkii qori lagu arko wixii ka dambeeya 4ta galabnimo la toogan doono, isla markaana aan la iska warsan doonin toogashadiisa, waxaana go’aankaas saxiixay Odayaasha iyo Waxgaradka Beelaha ay maleeshiyooyinkaas ka soo jeedaan.

 

Maamulka cusub ee Degmada Afgooye oo ay soo magacawday dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in uu Degmada Afgooye ku dhaqayo sharciga deg dega ah ee ay Dowladda Federaalka ku soo rogtay guud ahan dalka Soomaaliya, si ammaanka uu u noqdo mid faraha lagu hayo.

 

Degmada Afgooye ayaa muddo 11 sano ah waxaa ka talinayay maamul aaney mas’uuliyiintiisa ka soo jeedin degmada Afgooye, waana markii ugu horeysay oo Degmada Afgooye loo soo magacaabo Mas’uuliyiin deegaanka ka soo jeeda, iyadoo taasina ay dadka deegaanka si weyn u soo dhaweeyeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).