13.1 C
London
Monday, October 13, 2025

Deegaano ka tirsan Gobollada Galgaduud iyo Hiiraan oo mar kale ay ka soo cusboonaadeen Xiisado Colaadeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, January 16, 2007(HOL): Wararkii ugu danbeeyay ee ka  soo baxaya deegaanada Ceel-buur iyo Maxaas oo ka kala tirsan Gobalada Gal-gaduud iyo Hiiraan ayaa shegaya in ay jiraan Xiisado coladeed oo wali ka taagan dhulka miyiga ah ee u dhaxeeya labada degmo.

 

Xiisaddan colaadeed ayaa dhalatay kadib markii kooxo maleeshiyo ah ay ku dileen hal ruux mid kalana ay ku dhawaceen  deegaanka Goobo oo ka tirsan dhinaca gobalka Hiiraan, taasoo keentay in labada garab ay isku hub gurtaan.

 

Lama oga sababta keentay in mar kale colaadani soo cusboonaato maadaama horay loo soo af-jaray khilaafka labada beelood oo bartamihii sanadkii aynu soo dhaafanay lagu soo gabo gabeeyay kulan ay ka qeyb-qaateen in ka badan  300 oo ergo ah oo ay kala hogaaminayeen Ugaasyada labada beelood.

 

Dad goob joogayaal ah oo ay HOL la xiriirtay ayaa  u sheegay in xaaladdu aysan aheyn mid wanaagsan isla markaana haddii aan wax laga qaban keeni karto in mar kale uu dib u soo laabto dagaalkii labada beelood oo ay ku geeriyoodeen dad  100 ruux ku dhaw.

 

Dhawaan ayaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan  Eng.  Xuseen Mux’ed Maalin ayaa baaq uu u diray labada dhinac waxaa uu kaga codsaday in xaaladda dejiyaan hoosna u eegaan heshiiskii horay loo gaaray, waxaase uu ka digay in haddii ay xaaladdu sii socoto ay halkaas gaari doonaan  ciidamo ka tisan dowladda Federaalka.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).