Talaado, January 16, 2007(HOL): Fagaaraha Beerta Xoriyadda Somaliland ayaa maanta lagu wadaa in ay isugu soo baxaan dadweyne aad u faro badan oo ka kala imaanaya Deegaanada Maamulka Somaliland, kuwaasi oo banaanbaxooda uu ku saabsan yahay seddex ujeedo.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Banaanbaxooda uu xambaarsan yahay seddex ujeedo oo kala ah in dadka Somaliland ay midnimo muujiyaan, inay caalamka u diraan baaq ah in la gaaray xiligii Somaliland la siin lahaa madax banaanideeda, isla markaana loo kala hufi lahaa wax uu ugu yeeray Somalia iyo Somaliland iyo sidii Dadka Somaliland loogu baraarujin lahaa in ay difaacdaan madax banaanidooda
Feysal Cali Waraabe waxaa uu intaas ku daray in ay Beesha Caalamka ugu baaqayaan in ay ka hortagaan isku dhac dhexmara sida uu u yiri wixii la
Banaanbaxa ay sameynayaan dadka Somaliland ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo mas’uuliyiinta sare ee Maamulka Somaliland iyo kuwa Mucaaridka ay muujinayaan walaac ay ka qabaan in uu sameyn ku yeesho aqoonsiga ay dowladda Federaalka ka heleyso Caalamka, taasi oo weliba haatan dhaqangelineysa Baasaboor cusub oo ay Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka sheegeen in uu ka soconayo 18-ka gobol ee dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online