13.3 C
London
Monday, October 13, 2025

Magaalada Muqdisho oo maamul nooc cusub ah loo magacaabay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, January 15, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu ku magacaabay Maamul ay yeelaneyso Magaalada Muqdisho, iyadoo madaxweynahana uu magacaabistaas sameeyay kadib markii uu la tashaday Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xuseen Maxamed Caydiid.

 

Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha ayaan lagu sheegin wax maamul gobol Banaadir ah, taasi bedelkeeda waxaa maamulka cusub loogu yeeray Maamulka cusub ee Magaalada Muqdisho, iyadoo maamulka cusubna ay xubnahiisa kala yihiin:

 

Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaabow), ku xigeenka Duqa Magaalada ee dhinaca Siyaasadda iyo Nabadgelyada Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey, ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho ee dhinaca Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Xasan Maxamed Nuur Qalaad, ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho ee Howlaha guud iyo Arrimaha Bulshada C/qaadir Suufi Muriidi Golf.

 

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa looga codsaday Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xuseen Maxamed Caydiid in uu si deg deg ah u soo magacaabo xubnaha kala ah Qareenka guud ee Maamulka Magaalada Muqdisho, Xeer Ilaaliyaha guud, Madaxa Xafiiska Qorsheynta Maamulka Magaalada Muqdisho, Guddoomiyayaasha 16ka Degmo iyo ku xigeenadooda, Agaasimaha guud ee Ururrada Bulshada, Agaasimaha Waaxda Dib u heshiisiinta, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka iyo Nadaafadda, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada, Agaasimaha Waaxda dib u dhiska, Agaasimaha Waaxda Shatiyada, Agaasimaha Waaxda Suuqyada, Agaasimaha Waaxda Dakhliyada kala duwan, Agaasimaha Xisaabaadka, Agaasimaha Waaxda Dhulka, Agaasimaha Waaxda Gaadiidka, Agaasimaha Waaxda Tirada Dadka iyo Agaasimaha Waaxda Diinta.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Caydiid ayaa sidoo kale laga codsaday marka uu magacaabista sameynayo in uu la tashadayo Bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho. Magacaabista uu sameeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxay timid kadib markii uu madaxweynaha maalmihii tegay kulamo la lahaa qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqanka Gobolka Banaadir.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).