Axad, January 14, 2007(HOL): Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa shaaca ka qaaday in qaraxyo habeennadii aynu ka soo gudubnay Muqdisho ka dhacayay ay ka dambeeyeen kooxo doonaya in ay nabadgelyo darro abuuraan, wuxuuna sheegay in aan dadkaasi loo ogolaan doonin in ay sii wadaan wax uu ugu yeeray falal fulaynimo ah oo ay ku waxyeeleynayaan dad aan waxba galabsan oo guryahooda iska hurda.
Cabdi Qeybdiid oo ka mid ah Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho ee ay dowladda federaalka dib u soo nooleysay kadib markii ay Muqdisho ka ceyrsadeen Maxkamadihii Islaamka ayaa wuxuu sheegay in kulan ay dhawaan la yeesheen Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda federaalka ay ka soo baxeen qodobo ay ka mid ahaayeen in xiligii dagaalka uu dhamaaday, isla markaana loo baahan yahay in hubka la iska dhigo oo nabadgelyada laga shaqeeyo, hoggaamiyayaashii uu ka midka ahaana ay hubkooda ku wareejiyaan dowladda.
Cabdi Qeybdiid waxaa uu sheegay in waxyaabihii ay isku soo qaadeen mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ay ka mid ahaayeen in ay hubkooda iyo maleeshiyooyinkooda ay ku wareejiyaan dowladda, isla markaana haddii ay doonayaan in ay siyaasadda ka qeybqaataan ay ka qeybqaataan iyagoo aan hubeysneyn.
Maalinta Arbacada ah ee soo socota ayaa la filayaa in ay Hoggaamiyayaashii Muqdisho hubkooda iyo maleeshiyooyinkooda ku wareejiyaan Dowladda Federaalka, iyadoo arrintaasna ay ka soo shaqeynayaan guddi farsamo oo kala metelaya Dowladda Federaalka iyo Hoggaamiye Kooxeedyada oo laga dhex magacaabay kulan ay Jimcihii aynu ka soo gudubnay wada yeesheen Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka iyo Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia