Axad, January 14, 2007(HOL): Ciidamada Dowladda Federaalka oo ay gacan siinayeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo howlgallo ka sameeyay Xaafadda Buulo Xuubeey ee magaalada Muqdisho ayaa saakay waxay gurigiisa ka kaxeysteen Inj. Aweys Abuukar Axmed oo ah Nin si weyn looga yaqaano Magaalada Muqdisho, isla markaana dhismooyin waa weyn oo ku yaala Magaalada Muqdisho wax ka dhisay.
Axmed Abuukar Axmed oo la dhashay Injineerka ayaa sheegay in ay walaalkiis Ciidamo Itoobiyaan ah ka kaxeysteen gurigiisa saakay aroortii iyagoo ku eedeynaya in uu xiriir la lahaa Maxkamadihii Islaamka iyo weliba Dad ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada, wuxuuna Caddeeyay Axmed Abuukar in aysan jirin eedeymahaas loo soo jeediyay walaalkiis.
Axmed Abuukar Axmed waxaa uu sheegay in Inj. Aweys uu yahay nin la yaqaano oo ganacsade ah, isla markaana aan wax xiriir ah la lahayn Maxkamadihii Islaamka, “Injineerka waxaa uu ahaa nin iskiis u shaqeysta oo guryaha dhisa, haatanna wuxuu gacanta ku hayaa dhismooyin dhowr ah oo ay ku jirto Daar dhowr iyo toban dabaq ah oo loo dhisayo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud”ayuu yiri Axmed Abuukar Axmed.
Axmed Abuukar waxaa uu sheegay in markii ay Ciidamada kaxeysanayeen walaalkiis ay u geysteen jir-dil, isla markaana ay gurigiisa ka qaateen lacag 3 kun oo Doollar ah iyo labo Mobile oo cusub oo dad dibadda looga keenay, “Haddii ay Ciidamada Dowladda Federaalka geli lahaayeen guriga oo wixii ay doonaan ka yeeli lahaayeen wax bey ahaan lahayd balse waxaa wax laga xumaado ah in ay Ciidamo Itoobiyaan ah xoriyadda ka qaadaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed”ayuu yiri Axmed Abuukar Axmed oo sheegay in ay odayaal iyo waxgarad ku howlan yihiin sidii Injineer Aweys xoriyaddiisa dib loogu soo celin lahaa.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho la jooga ayaa maalintii shalay ahayd waxay xaafaddaas ka kaxeysteen labo nin oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada, kuwaasi oo dadkii xaafadda la deganaa ay sheegeen in ay ahaayeen dad rayid ah oo muddo toban sano ku dhow ku noolaa Magaalada Muqdisho, isla markaana ay caruur iyo xaas u joogeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia