13.3 C
London
Monday, October 13, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgelisay Waaxdeeda Socdaalka, isla markaana maanta bixisay 270 Baasaboor

- Advertisement -spot_imgspot_img


Axad, January 14, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xafiis hoos taga Waaxdeeda Socdaalka waxay ka furtay Magaalada Baydhabo oo haatan ay ku harsan yihiin Xubnaha Golaha Baalamaanka Soomaaliya.

 

Xafiiskan oo ay furitaankiisa ka qeybgaleen Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre, Wasiirka Kalluumeysiga Xasan Abshir Faarax iyo Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka C/llaahi Shiikh Ismaaciil ayaa wuxuu qaban doonaa adeegyada ay u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed ee doonaya in ay dibadda u socdaalaan.

 

Xafiiskan ayaa laga heli karaa Baasaboorro cusuboo ay soo sameysay Dowladda Federaalka, kuwaasi oo isugu jira midka ay shacabka qaataan, midka Diblumaasiyiinta la siiyo, midka Shaqaalaha Dowladda loogu talagalay iyo weliba mid Dukumiinti socdaal ah oo loogu talagalay dadka shisheeyaha ah ee doonaya in dalalkooda la gaarsiiyo, waxayna Baasaboorradan dhamaantood yihiin kuwo aan la been abuuri karin oo  aan qofka sawirkiisa laga fujin karin.

 

ilaa 270 Ruux ayaa maanta qaatay Baasaboorrada cusub ee ay soo sameysay Dowladda Federaalka, kuwaasi oo isugu jira dad shacab ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka. Taliyaha  Hoggaanka Socdaalka Dowladda Federaalka C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in Baasaboorrada casriga ah ee ay soo sameysay dowladda Federaalka ay dadku ku heli karaan 100$ marka ay dalka gudahiisa ka qaadanayaan marka ay dalka dibaddiisa ka qaadanayaanna ay ku heli karaan 150$, wuxuuna caddeeyay in ay Laamo ka sameysteen magaalooyinka Dalka Soomaaliya iyo Dalal Dibadda ah.

 

Taliyaha Hoggaanka Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Gaafow Maxamuud waxaa uu sheegay in ay todobaadka dambe xafiis kale ka furan doonaan Magaalada Muqdisho, kadibna magaalooyinka kale ee hoos taga  18ka gobolka ee dalka Soomaaliya.

 

Dhinaca Dibaddana Dalalka Bariga Afrika ayuu sheegay in ay Xafiis uga dhigeen Magaalada Nairobi, Dalalka Bariga Dhexe-na waxaa xafiis looga sameeyay Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, Dalalka Yurubta ayuu sheegay in xafiisyo looga furay Dalalka Britain iyo Sweden, halka Waqooyiga Ameerikana xafiisyo looga sameeyay Magaalooyinka Toronto iyo Minneapolis.

 

Baasaboorradan ay soo sameysay Dowladda Federaalka ayaa waxay meesha ka saarayaan baahi ay dadka Soomaaliyeed u qabeen in ay heleen Baasaboor laga aqoonsan yahay dalalka Caalamka, waxayna baahidaas timid kadib markii uu Baasaboorkii hore ee Soomaaliya uu noqday mid qiimo beelay oo si macmal ah ay cid kasta u sameysan karto, iyadoo uu si fiican u sii qiimo beelay kadib markii ay Wariyayaal Ajnabi ah oo Soomaaliya Warbixin ka doontay ay lacag yar ku sameysteen Baasaboorka Soomaaliya, sidaasna ku tebiyeen in si dhaqsi ah qofkii doono uu muwaadin Soomaali ah ku noqon karo, weliba isagoo aan ka dhaqaaqin gudaha Suuqa Cabdalla Shideeye ee Bakaaraha.

 Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).