13.3 C
London
Monday, October 13, 2025

Dowladda Federaalka oo ka warbixisay howlgallo hub uruurin ah oo ay Ciidamadeedu fuliyeen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, January 14, 2007(HOL): Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee isugu jira Booliska iyo Mileteriga ayaa saakay waxay howlgallo hub uruurin ah ka fuliyeen xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho, iyadoo howlgalkaasina ay ku soo heleen hub ay dad rayid ah heysteen.

 

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo xarunta Villa Somalia Shir jaraa’id ku qabtay ayaa ka warbixiyay howlgalka ay Ciidamada Dowladda fuliyeen, wuxuuna sheegay in ay Ciidamada Dowladda ka howlgaleen xaafadaha Miisaanka Dhuxusha, Ceymiska, Carafaad, Suuqa Xoolaha, Huriwaa, Jamhuuriya iyo Fagax, isla markaana uu howlgalkooda ku soo dhamaaday si guul ah.

 

C/raxmaan Diinaari waxaa uu sheegay in ay Ciidamada Dowladda howlgalkaas ku soo qabteen 7 Burcad ah oo ay isbaaro u taalay, kuwaasi oo lagu xiray Saldhigga Bari ee Magaalada Muqdisho iyo hub isugu  jiray qori gacmeedyo iyo Bambooyin, wuxuuna caddeeyay in aaney jirin wax iska caabin ah oo ay Ciidamada Dowladda la kulmeen intii ay howlgalka ku jireen.

 

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Diinaari waxaa uu ka hadlay sida ay Dowladda ka yeeleyso hubka lagu ilaalinayo goobaha ganacsiga iyo kuwa caafimaadka, wuxuuna caddeeyay in aaney hadda dowladda qorshaha ugu jirin in ay hubka ka qaato goobaha ganacsiga iyo kuwa caafimaadka, inkastoo hadalkiisan uu ku soo beegmayo iyadoo saakay Isbitaalka Carafaat ay Ciidamada Dowladda ka qaadeen qori gacmeedyo lagu ilaanayay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).