13.3 C
London
Monday, October 13, 2025

Xarunta Cilmi Baarista iyo Wada tashiga CRD oo soo af-jartay colaad mudo 4 sano ah u dhaxeysay labo beelood oo wada degta deegaanka Raso oo ka tirsan gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img


Sabti, January 13, 2007(HOL): Xaruta cilmi baarista iyo wada tashiga soomaaliyeed ee CRD qeybteeda Gobolka hiiraan ayaa ku guuleysatay in soo afjarto colaad ku ku dhawaad 4 sano u dhaxeysay beelo wada daga  deegaanka Raso oo ka  tirsan Gobalka Hiiraan.

 

Colaada labada beelood oo markeedii hore ka bilaabatay  nin lagu dilay goob Isbaaro ah ayaa markii dambe isku badashay gacan ka hadal dhexmaray  beesha ninku ka dhitay iyo waliba dhinaca kale ee falka dilka ah geystay, waxaana intii ay dirirta labada dhinac soctay  ku geeriyootay in kabadan  96 ruux oo ka kala tirsan labada dhinac iyadoo sidoo kalana la gubay  ilaa 7 tuulo.

 

Laakiin dagaalku waxaa uu sii xoogeystay  sanadkii 2005 xiligaas oo labada dhinac la rumeysan yahay in ay iska dileen ku dhawaad 64 ruux  oo ka kala dirsan  dhinacyada colaadu u dhaxeysay,  waxaana fashilmay  islamarkaana guul laga gaari waayay   daadaalo la doonayay in lagu dhameeyo colaada,  waxaana Isku daygaa colaad joojinta ah xitaa ka qeyb-qaatay dowlada federaalka  xiligii ay daganeyd gobalka Shabeelada Dhaxe,  iyo waliba  mas’uuliyiin ka tirsan  maamulka  Shabeelada Dhaxe.

 

Fashiladda is daba jooga ah kadib waxaa markii dambe  xaaladda soo galay Odayaal iyo culimaa’udiin ka tirsan beelaha dirirtu u dhaxeyso iyo waliba kuwa ku dhaw dhaw kuwaasoo  ku guuliysatay in ay qaboojiyaan xaalada  arintana laga furo wada hadal, laakiin   culmaa’udiinku  ma aysan gaarsiin halkii loo baahnaa sababo dhaqaale iyo mid mooral intaba,    iyagoo fariinta arintaas ku saabsan markii danbe soo gaarsiiyay Xarunta  wada tashiga iyo cilmi baarista ee CRD oo  wada tashi iyo baaritaan dheer ka dib   ugu deeqday  dadka reer Raso  Dhaqaale  iyo waliba Aqoonyahano  wax ka gala wada xaajoodka labada dhinac.

 

Kulan ay ka qeyb galeen in ka badan 200 oo argo ah kana kala tirsan  beelaha colaadu dhax martay iyo waliba kuwa ay ood wadaaga yihiin ayaa lagu qabtay gudaha tuulaha Raso, taasoo keentay in si dhab ah loo faaqido  gunta hoose ee colaada si looga wada qanco wax yaabaha laysku hayo.

 

Madax Xurta cilimi baarita iyo wada Tashiga ee CRD qeybta Gobalka hiiran  Eng. Max’ed Xasan Kulmiye  oo HOL u waramay ayaa sheegay in dhinacyadii  kulanka ka qeyb-galay ahaayeen kuwo u bisil in wada hadlku najaxo, waxaana uu intaa ku daray in gacan weyn ay ka gesteen sidii  hishiis buuxa looga gaari lahaa colaada maadaama ayuu yiri  wax yaabo badan tanaasulaad laga sameeyay.

 

Ugu dambeytiina waxaa halka ka dhacay  farxad labada beelood ay ku soo dhaweeyeen in meesha laga saaro khilaaf dhax yiilay in ku dhaw  4 sano  dad badana ay ku dhiteen  hanti faro badana lagu lumiyay,  iyadoo ugu danbeytiina lasku afgartay qodobo marka dhinac laga eego  ay adag tahay in la jibiyo  kuwaasoo xakameynaya in mar kale  si fudud loo dagaalamo.

 

Deegaanka Raso waa dhul ay ku nool yihiin dad u badan xoolo dhaqato, wuxuuna deegaankaasi dhinaca  K/galbeed kaga beegan yahay degaanka Jalalaqsi, halka magaalada B/weyna uu u jiro 170 km.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).