Sabti, Janaayo 13, 2007 (HOL): 11 ruux ayaa geeriyootay 7 ruux oo kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii uu dagaal ku dhexmaray Tuulada Biyo Cadde ee Gobolka Shabeelaha Dhexe labo beelood oo halkaasi wada dega.
Dagaalka dhexmaray labadan beelood oo markii dambe isu bedelay mid is-ugaarsi ah ayaa waxaa uu salka ku hayaa muran ka dhashay dhul daaqsin ah, kaasi oo isu rogay in ay labada beelood dagaalamaan, isla markaana ay dadka intaas la eg iska dilaan.
Ilaa hadda ma jiraan wax wada hadal ah oo dhexmaray labada beelood, dadkuna waxay ku jiraan xaalad kala gambasho ah, hayeeshee waxaa ku kala dhex jira labada beelood ciidamo ka amar qaata dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka tegay Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Jowhar.
Dhanka kalena, waxaa maanta loo gacan geliyay Ciidamada Itoobiya 16 nin oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada, kuwaasi oo lagala degay gaari ay saarnaayeen oo ku sii jeeday Gobollada Dhexe. Raggani Oromada ah ayaa iyagoo jeebeysan waxaa laga soo saaray xabsi ay kaga jireen magaalada Jowhar, waxaana kadib loo saaray dhinaca Magaalada Muqdisho labo gaari oo ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya, kuwaasi oo ula dhaqaaqay dhinaca magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online