13.2 C
London
Monday, October 13, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in ay qaraxyada Muqdisho ka dhaca ka dambeeyaan haraagii Maxkamadaha Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, Janaayo 13, 2007 (HOL): Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shaaca ka qaaday in ay magaalada Muqdisho ku sugan yihiin wax uu ugu yeeray Ukumadii ay ka tageen Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in dalka laga saaro haraagii Maxkamadaha Islaamka oo uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan qaraxyo habeennadii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdisho.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto dadka falalkaasi ka dambeeya, isla markaana ay magaalada Muqdisho  noqoto mid nabadgelyo ah, iyadoo haddii taasi la helana uu caddeeyay in uu dalka Soomaaliya oo dhan uu nabad noqon doono.

 

Hadalkan wuxuu ka sheegay madaxweynaha kulan uu la qaatay Siyaasiyiin, Odayaal dhaqameedyo iyo saraakiil ciidan oo ka soo jeeda Beesha Sacad, wuxuuna Madaxweynaha ka codsaday Beeshaasi in ay ka qeybqaadato sidii loo sugi lahaa nabadda Magaalada Muqdisho, isagoo carrabka ku dhuftay in si dhaqsi ah loo dhisi doono Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana la howlgelinayo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

 

Dhanka kalena, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta wuxuu xarunta Villa Somalia kulan kula qaatay Odayaal dhaqameedyo ka socday qaar ka mid ah Beelaha Dega Gobolka Banaadir, kuwaasi oo uu kala arinsanayay sida ay uga qeybqaadan karaan xasilinta dalka iyo weliba hub ka dhigista.

 

Kulankan ayaa odayaashii ka qeybgalay waxay madaxweynaha u xaqiijiyeen in ay diyaar u yihiin in ay ka qeybqaataan soo celinta midnimadii iyo qarannimadii Soomaaliya, iyadoo madaxweyne C/llaahi Yuusufna uu si weyn u soo dhaweeyay ballanqaadka ay u muujiyeen Odayaasha uu la kulmay.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa tan iyo markii uu magaalada Muqdisho soo gaaray, isla markaana uu fariistay xarunta Villa Somalia waxaa uu ku jiraa kulamo uu la leeyahay Siyaasiyiinta,Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, aqoonyahanka iyo cid kasta oo uu u arko in aan looga maarmeynin xasilinta dalka Soomaaliya, wuxuuna shalay kulan la qaatay Hoggaamiyayaashii Muqdisho oo isugu jiray kuwo ku jira Dowladda Federaalka iyo kuwo aanan dowladda ka tirsaneyn, iyadoo ka sii horna uu kulan la qaatay C/qaasim Salaad Xasan iyo Cali Mahdi Maxamed oo horay madaxweyneyaal uga soo noqday dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).