13.2 C
London
Monday, October 13, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo ogolaaday in xaalad deg deg ah lagu soo rogo dalka Soomaaliay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, Janaayo 13, 2007(HOL): Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa wuxuu isku raacay oo uu ansixiyay sharci ay Xukuumadda Federaalka u soo gudbisay, kaasi oo dalka Soomaaliya lagu gelinayo xaalad deg deg ah.

 

Kulankii maanta oo ay fadhiyeen 156 mudane sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Md. Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa markii ay Xildhibaanada ka doodeen waxaa lagu ansixiyay in muddo seddex bilood ah la geliyo dalka Soomaaliya xaalad deg deg ah oo lagu soo celinayo nabaddii iyo kala dambeyntii.

 

Qodobada ku jira Sharciga uu Golaha Baarlamaanka ansixiyay ayaa waxaa ka mid ah in ay mamnuuc yihiin Heysashada hubka iyo gaadiidka Tiknikada, sameynta Banaanbaxyada aan fasaxa loo heysan, Falalka burcadnimada ah ee nabadgelyada qalqalka gelinaya, abuurista Uruuro qarsoodi ah oo aanu ogoleyn axdi qarameedka u degsan Dowladda Federaalka iyo gabaad-siinta iyo soo dhaweynta wax loogu yeeray Argagixisada.

 

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa  sheegay in 156 mudane oo kulanka fadhiday ay 154 ka mid ah u codeeyeen sharcigaas, halka ay labo kaliyana diideen, isagoo caddeeyay in uu sidaas ku ansaxay sharcigii dalka Soomaaliya lagu gelinayay xaaladda deg dega ah.

 

Maalintii Khamiista ahayd ee aynu ka soo gudubnay ayay Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya isku mari waayeen in ay u codeeyaan sharcigan, waxaana taasi ugu wacneyd iyadoo qodobada ay Xukuumadda u soo gudbisay ee sharcigan ku saabsan ay dhamaayeen ilaa 14 qodob, halka haatanna lagu soo koobay 5 qodob oo kaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).