13.2 C
London
Monday, October 13, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi oo duqeynta diyaaradaha Mareykanka ku tilmaamay mid Soomaaliya looga saarayo argagixiso ku sugan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, January 12, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu sheegay in duqeynta ay diyaaradaha Mareykanka ka wadaan Koofurta Soomaaliya ay tahay mid dalka Soomaaliya looga sifeynayo Kooxo Argagixiso ah.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu si kulul u weeraray dalalka ka soo horjeeda in kooxaha Argagixisada ah laga sifeeyo dalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay shaki la’aan tahay in ay Soomaaliya Kooxo Argagixiso ah joogeen, isagoo taasina ku sababeeyay in labo jeer oo hore oo uu Muqdisho tegay Qaraxyo argagixin ah lala beegsaday.

 

Prof. Geedi waxaa uu ka hadlay warar ka soo yeeraya dalalka Beesha Caalamka qaarkood, kuwaasi oo ku baaqaya in ay wada hadlaan dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya, wuxuuna si cad u sheegay Prof. Geedi in uusan jiri doonin wada hadal dhexmari doona Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna ugu baaqay ciddii taasi ku taameysa in ay maskaxdeeda ka saarto.

 

Sidoo kalena Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa kale oo uu ku soo hadal qaaday saxaafadda madaxa bannaan ee Soomaalida, wuxuuna sheegay in aaney qancinin qaabka ay u shaqeynayaan Saxaafadda gudaha qaarkeed oo uu ku eedeeyay in ay ka shaqeynayaan iska horkeenidda Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan taasi sii socon doonin, isla markaana ay dowladda sameyn doonto shuruuc lagu xakameynayo Saxaafadda, iyadoo aan lagu xad-gudbeynin Madax bannaanida iyo Xoriyadda Saxaafadda.

 

“Miyaaney ogeyn in dalka ay dowladda ka jirto marka ay sheegayaan wixii ay doonaan, iyagoo weliba aanan ruqsad shaqo ka heysan dowladda, taasi ma sii socon doonto, cid aan ruqsad ka heysan dowladdana looma ogolaan doono in ay shaqeyso”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geedi oo caddeeyay in aaney Dowladda Federaalka ka soo horjeedin xoriyadda Saxaafadda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).