Khamiis,
Ciidamada Dowladda Federaalka oo uu la socday Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca ammaanka Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur ayaa waxay tageen Deegaanka Galgalato, halkaasi oo ay koox maleeshiyo ah isbaaro u tiilay.
Waxaa xusid mudan in halka ay kormeereen Ciidamada Dowladda Federaalka dhawaan lagu gubay Gaari Xamuul ah oo ku sii jeeday Tuulada Biyo Cadde ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, kaasi oo Koox Maleeshiyooyin ah oo Isbaarooley ah ay ku dhufteen Xabad laga tuuray Qoriga RPG (Baasuuke).
Dadka ku dhaqan Deegaanka Galgalato iyo Gaadiidka isticmaalo wadadaas oo u badan kuwa Dhagaxa iyo Carrada guryaha lagu dhisto daabula ayaa si weyn u soo dhaweeyay howlgalka Ciidamada Dowladda Federaalka ee halkaas kormeerka ku tegay.
Maalintii shalay ahayd ayay ciidamada Dowladda Federaalka halkaas ka soo qabteen ilaa 10 Maleeshiyo ah oo ay u taalay Isbaaro ay lacag baad ah uga qaadan jireen gaadiidka wadadaas isticmaala.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online