Khamiis,
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya socdaalka ay Raggani Muqdisho u aadeen, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in ay u yeereen Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka, halka ay jiraan warar kale oo sheegaya in ay iskood u goosteen in ay Muqdisho u amba baxaan.
Hoggaamiyayaashan oo Xildhibaano ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay fariisimadoodii dib ugu laabteen kadib markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah ay gacanta ku dhigtay inta badan Gobollada ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay Muqdisho ka ceyrsadeen Maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda bilood ah ka talinayay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Lama oga in hoggaamiyayaashan ay Muqdisho dib ugu soo laabanayaan si iskood ah iyo in ay u yeereen mas’uuliyiinta sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuse Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed sheegay in aan Hoggaamiyayaashii 16ka sano laga yeeli doonin in ay dib u soo celiyaan sida uu hadalka u dhigay dhaqankoodii cajiibka ahaa, isagoo caddeeyay in ay Dowladda Federaalka u diyaarisay Hoggaamiyayaashaas Qorshe ay ugu talagashay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online