13 C
London
Sunday, October 12, 2025

TALIYAHA CIIDAMADA GOBALADA HIIRAAN IYO SHABEELADA DHAXE COL. MUQTAAR XUUSEEN AFRAX OO DIB XURIYADIISII U HELAY.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Arbaco, Jan, 10, 2006 (HOL)  Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho  ayaa sheegaya in  xuriyadiisii loo soo celiyay Taliyihii ciidamada Gobalada Hiiraan iyo Shabeelada Dhaxe oo dhawaa ciidamo Itoobiyaan ah ka kaxeysteen gudaha magaalada B/weyn, kadib markii uu ka dhago adeygay in uu soo dhiibo gudoomiyihii  maxkamadii islaamiga gobalka shiikh Faarax Maclin Max’uud.
 
Col. Mukhtar oo sii deyntiisa ay xaqiijiyeen Ciidamada xooga dalka ee ku sugan gobalka Hiiraan ayaan  faah faahin dhiiraad ah laga bixin siideyntiisa, lakiin waxaa ay sheegeen in Col. Muqtaar uu xor yahay lana filayo in dhawaan soo gaaro gobalka Hiiraan
 
Waxaa jira diyaar garow ay sameynayaan Mas’uuliyiita Maamulka Gobalka iyo waliba dadweynaha gobolka Hiiraan  kaasoo ku aadan soo dhaweynta taliyaha,  waxaana jirta baaq ay u direen ciidamada nabad-galyadu shacabka ku dhaqan gobalka iyaga oo ka codsaday in ay ka digtoonaadaan in  la sameeyo  soo dhaweyn qalalaase abuuri kata,
 
Col. Muqtaar ayaa la filayaa marka uu dib gobalka ugu soo laabto in uu bixiyo  faah faahin ku saabsan sida  qabashadiisu u dhacday iyo ciddii gacan ka geysatay soo deyntiisa.
 
Dhawaan ayaa qeybo ka mid ah gobalka waxaa ka dhacay dibad baxyo rabshado wata kuwaasoo lagu diidanaa sida ciidamadu ula dhaqmeen Taliyaha, gaar ahaan magaalada B/weyn ayaa dibad bax ka dhacay waxaa ku naf waayay wiil dhalin yaro ah  halka mid kalana uu ku dhaawacmay.
 
C/raxmaan diini, hiiraan online
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).