Arbaco,
Howlgalka ay Ciidamada sameeyeen ayaa la sheegay in ay ku soo heleen Hub ay ka soo qaadeen guryo iyo dukaano ay galeen, iyadoo intii ay howlgallada ku jireenna aysan la kulmin wax iska caabin ah.
Habeennadii aynu ka soo gudubnay ayaa halka ay Ciidamada ka howlgaleen waxaa ka jiray falal nabadgelyo darro ah, iyadoo sidoo kalena ay halkaasi ka dhaceen qaraxyo ay dad rayid ah wax ku noqdeen.
Dhanka kalena Ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay cagta mariyeen goobo ay isbaarooyin u yaaleen Maleeshiyooyin gaadiidka ka qaadan jiray lacago baad ah.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa sheegay in ay ciidamada Booliska ka howlgaleen Wadada dhinaca Bari ee Xeebta uga baxda Magaalada Muqdisho, taasi oo ay ka dilaaceen Maleeshiyooyin Isbaarooley ah, wuxuuna caddeeyay in ay Ciidamada Booliska halkaas ka soo qabqabteen Maleeshiyooyinkii Isbaarada u tiilay oo lagu soo xiray Saldhigga Bari ee magaalada Muqdisho.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waa howlgalkii ugu horeeyay oo ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ay sameeyaan tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Dowladda Federaalka la wareegtay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online