Arbaco,
Labada mas’uul ayaa kulanka ay yeesheen waxaa ay iskula soo qaadeen Xaaladda dalka Soomaaliya iyo sidii Ciidamo Nabad Ilaaliyaal ah oo ka socda Dalalka Afrika loogu diri lahaa Soomaaliya, si ay u bedelaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan.
Kulanka ay labada mas’uul wada qaateen oo ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen ayaa markii uu soo dhamaaday kulankooda waxay labada mas’uulba u sheegeen saxaafadda in ay isku afgarteen waxyaabihii ay isla soo qaadeen oo ay ku sheegeen in ay ugu muhiimsaneyd xasilinta dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaana Magaalada Muqdisho.
Labadan Mas’uul oo horay ugu tartamayay qabashada xilka Madaxweynenimada Soomaaliya markii uu socday Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliya ee lagu soo gebagebeeyay Magaalada Nairobi dabayaaqadii sanadkii 2004, isla markaana dhowr jeer oo hore qalabka Warbaabinta isu marsiiyay hadallo ay isku weerarayaan ayaa haatan waxay sheegayaan in ay isku aragti ka yihiin xaaladda Dalka Soomaaliya iyo sida xalka loogu heli karo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online