13 C
London
Sunday, October 12, 2025

Mareykanka oo taageeray in Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah oo UN-ka ka socda loo diro Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, January 10, 2007(HOL): Maamulka Madaxweyne Bush ayaa soo dhaweeyay qorshe uu Midowga Yurub ku doonayo in Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah oo UN-ka ka socdo loo diro Soomaaliya.

 

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo lagu magacaabo Sean McCormack ayaa sheegay in duqeyntii ay Ciidamada Mareykanka u geysteen Deegaano ka tirsan Gobolka Jubba Hoose aysan waxba u dhimi doonin dadaallada Diblumaasiyadeed ee uu Mareykanka ku doonayo in lagu soo celiyo xasiloonidii Soomaaliya.

 

Javier Solana oo Midowga Yurub u qaabilsan Siyaasadda Arrimaha Dibadda ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u jeediyay in Ciidamo nabad ilaaliyayaal ah oo UN-ka ka socdo loo diro Soomaaliya kadib marka ay Soomaaliya galaan Ciidamo ka socda Qaaradda Afrika.

 

Mr. Javier Solana wuxuu sheegay in aaney Dalalka Afrika awood u lahayn in ay Soomaaliya u diraan Ciidamo ku filan in ay nabaddii soo celiyaan, isagoo taasina ku sababeeyay in Ciidamo uu Midowga Afrika u diray Dalka Suudaan, gaar ahaana gobolka Darfur ay la daalaa-dhacayaan howlgallo ay halkaas ka wadaan.

 

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon oo ay wada kulmeen Javier Solana ayaa sheegay in uu Golaha Ammaanka ka wada hadli doono soo jeedinta uga timid Midowga Yurub, isla markaana uu go’aan ka soo saari doono.

 

Horaantii sagaashamaadkii kadib markii xukunka laga tuuray Dowladdii Madaxweynaha ka ahaa  Maxamed Siyaad Barre ayuu Mareykanka Ciidamo u diray Soomaaliya, si uu qeyb uga qaato howlgallo gurmad loogu fidinayay dad kumaan kun ah oo ay macluul ka soo gaartay dagaallo u dhaxeeyay Qabaa’illada Soomaalida.

 

Kadib Ciidamadii Mareykanka waxay isku dhaceen Xoogag uu hoggaaminayay marxuum Jen. Maxamed Faarax Caydiid, kuwaasi oo Mareykanka ka dilay 18 Askari oo Rangers ah oo labo ka mid ah iyagoo qaawan meydkooda lagu jiiday waddooyinka Muqdisho, iyadoo sidoo kalena laga soo riday Ciidamadii Mareykanka labo Helicopter oo ah nooca Black Hawk, taasina waxay keentay in ay Ciidamadii Mareykanka isaga baxaan dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).