13 C
London
Sunday, October 12, 2025

Dowladda Federaalka oo ugu baaqay Maleeshiyooyinka hubeysan in ay ku xaroodaan Xerooyin loo tilmaamay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, January 10, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday maleeshiyooyinka Soomaalida in ay galaan xerooyin ay u tilmaantay oo gobollada dalka ku yaala, si tababar loogu furo kadibna looga dhigo Ciidamo Qaran.

 

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa lagu sheegay in Maleeshiyooyinka ku sugan Gobollada Banaadir iyo Shabeelooyinka ay galaan labo xero oo ku kala taala Hiilweyne iyo Balli-doogle, halka Maleeshiyooyinka ku sugan Gobollada Jubbooyinka loo sheegay in ay tagaan Xero ku taala Magaalada Kismaayo, Maleeshiyooyinka Gobollada Bay, Bakool iyo Gedo ayaa iyana loo tilmaamay Xerooyinka Mannaas iyo Deynuunaay. Sidoo kalena Maleeshiyooyinka Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa iyuna loo ishaaray Xerooyin ku yaala Duleedka Magaalada Beledweyne.

 

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo saxaafadda u aqriyay wareegtada uu soo saaray Ra’iisall Wasaare Geedi ayaa sheegay in Maleeshiyooyinkaas marka ay xaroodaan ay Mas’uuliyaddooda saaran tahay Dowladda Federaalka oo haatanna ka bixin doonta maleeshiyooyinka tas-hiilaadka ay u baahan yihiin in ay ku gaaraan Xerooyinka loo cayimay.

 

Wareegtadan ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo dowladda Federaalka ay dhawaan dib u dhigtay qorshe ay hubka uga dhigi lahayd Dadka Muqdisho, kadib markii ay codsi u soo jeediyeen Mas’uuliyiin ka socday Ururrada Bulshada Rayidka iyo weliba Odayaal Dhaqameedyo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).