Arbaco, January 10, 2007(HOL): Iyadoo habeennadii aynu ka soo gudubnay ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho qaraxyo lala beegsanayay goobo ay dad rayid ah degan yihiin iyo kuwo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah ayaa waxaa mar kale xalay ka dhacay magaalada Muqdisho qarax lala beegsaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugan Xarunta Wakaaladdii Hargaha iyo Saamaha oo ku taala inta u dhaxeysa Isgoysyada KM4 iyo KM5.
Qaraxaasi oo aan la ogeyn ciddii geysatay ayaa waxaa ku dhintay hal ruux, halka ay 4 ruux oo kale ku dhaawacmeen, waana markii labaad oo uu halkaas qarax ka dhaco, kaasi oo loola dan lahaa in lagu waxyeeleeyo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah oo caawinaya.
Halkii uu xalay ka dhacay qaraxa ayaa saaka lagu arkayay ciidamo aad u tiro badan oo baaraya gaadiidka iyo dadka ay ka shakiyaan, iyadoo wadadaasna laga hakiyay isticmaalka Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay maxkamadaha Islaamka isaga baxeen Magaalada Muqdisho, isla markaana ay soo galeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee la socda ayaa waxaa soo kordhayay xaalado nabadgelyo darro, tiiyoo ay dadka u sii dheer tahay in ay habeen kasta maqlaan qaraxyo lala beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online