10 C
London
Sunday, October 12, 2025

Col. C/risaaq Af-Gaduud oo sheegay in ay Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka u baxsadeen dhinaca Raas-Kambooni, ayna ku raad-joogaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, January 01, 2007(HOL): Abaanduulaha Ciidamada Dowladda Federaalka ee Jubbooyinka kula dagaalamay ciidamadii Maxkamadaha Islaamka Col. C/risaaq Af-gaduud ayaa sheegay inay qeybtii koowaad ee ciidamadooda ay hataan ku sugan yihiin Magaalada Kismaayo, isla markaana ay magaaladaas isaga carareen Ciidamadii iyo mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka.

 

Col. C/risaaq Af-gaduud waxaa uu sheegay in ay ciidamadii Maxkamadaha Islaamka u dagaalamayay ay ku jebiyeen deegaano hoos yimaada Jilib iyo Kamsuuma, isagoo caddeeyay in ay mas’uuliyiintii Maxkamadaha iyo ciidamadooda ay u baxsadeen Deegaanka Raas-Kambooni, ayna sii daba joogaan.

 

Abaanduulaha Ciidamada Dowladda Federaalka ee Gobollada Jubbooyinka waxaa uu sheegay in ay howlgallada sii wadi doonaan ilaa laga waayo sida uu hadalka u dhigay qof ka mid ah Maxkamadihii Islaamka, “meesha ay hadda isugu tageen ee Raas Kambooni ah ma ahan meel ay ku sii dhuuman karaan, xiligii ay meeshaas ku gamban jireena uu ahaa xilli uusan dalka Dowlad lahayn”ayuu yiri Col. C/risaaq Af-gaduud.

 

Magaalada Kismaayo ayaa markii ay xalay isaga baxeen Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka iyo Ciidamadooda waxaa saakay la arkayay dad la soo baxay waxyaabo ay maxkamadaha Islaamka ka mamnuuceen sida Sigaarka iyo Qaadka, iyadoo ay jireen dad kale oo durbaanno la soo baxay, kuwaasi oo dhamaantood muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin in uu ka tago xukunkii Maxkamadaha Islaamka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).