10 C
London
Sunday, October 12, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Gobolka Hiiraan u magacaabay maamul cusub

- Advertisement -spot_imgspot_img


Isniin, January 01, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta maamul cusub waxaa uu u magacaabay Gobolka Hiiraan, iyadoo xubnaha la soo magacaabayna aysan ku jirin kuwii horay uga talin jiray Gobolka.

 

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo saxaafadda u aqrinayay wareegtoo uu Madaxweynaha ku magacaabay maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in xubnaha cusub ee maamulka Gobolka ay kala yihiin:

 

Xuseen Muxumed Maalin Guddoomiyaha Gobolka

Xuseen Cumar Xasan Guddoomiye ku xigeenka Gobolka 1aad

Suleymaan Axmed Hilowle Guddoomiye ku xigeenka Gobolka 2aad

Axmed Gobey Cawaale Guddoomiyaha. Degmada Beledweyne

C/raxmaan Cilmi Cabdi Gudd. Ku xigeenka Degmada Beledweyne

Iyo Xuseen Shukri Axmed oo loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Beledweyne.

 

Afhayeenka waxaa uu sheegay in shacabka Gobolka Hiiraan looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan maamulka Gobolka loo soo magacaabay, isagoo caddeeyay in madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu magacaabistan sameeyay kadib markii uu la tashaday Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi.

 

Dhanka kalena, C/raxmaan Diinaari waxaa uu sheegay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ka codsaneyso Dowladda Kenya in ay xuduudaheeda ka xirato, isla markaana haddii ay qabtaan ay u soo gacan geliyaan, si maxkamad loo saaro.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).