Isniin, January 01, 2007(HOL): Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah Hoggaamiye Kooxeedyadii ay Maxkamadaha Islaamka Muqdisho ka ceyrsadeen balse dib ugu soo laabteen kadib markii Maxkamadaha Islaamka markooda Muqdisho laga ceyrsaday ayaa si kulul u beeniyay hadal ay shalay sii deysay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliya oo soo xiganeysay Wargeyska Maalinlaha ah ee Corriere Della Sera, kaasi oo ahaa in Maxamed Qanyare oo wareysi siiyay Wargeyskaas uu sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geedi ay yihiin kuwo aan waxba qaban karin, sidoo kalena uusan dooneyn in uu la shaqeeyo dowladda Federaalka ama uu ka soo horjeesto.
Haddaba Maxamed Qanyare Afrax oo Warkaas daba joogay ayaa wuxuu beeniyay hadalka uu ka qoray Wargeyska Corriere della Sera, wuxuuna sheegay in uusan wargeyskaas siinin wax wareysi ah, isla markaana aysan is-arkin cid ka socota.
Maxamed Qanyare waxaa uu ka raaligeliyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geedi hadalka looga tebiyay in uu yiri, wuxuuna caddeeyay in aan la soo heli karin caddeyn muujineysa in uu wareysigaas bixiyay, “ma sheegin haddii ay wareysigaas riyo iiga qaadeen, waxaanse idiin sheegayaa in aan anigoo soo jeeda la iga qaadin”ayuu yiri Maxamed Qanyare.
Dhanka kale, Maxamed Qanyare waxaa uu sheegay in aysan siyaasad ahaan isku fikir ahayn Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, taasina ay tahay wax iska caadi ah oo adduunyada ka jira.
Ugu dambeyntiina Xildhibaanka waxaa uu sheegay in uu Muqdisho u yimid sidii uu hubkiisa iyo midka beeshiisa uu ugu wareejin lahaa Dowladda Federaalka, isla markaana uu hub ka dhigista uga qeybqaadan lahaa, isagoo caddeeyay in uusan hub dambe yeelan doonin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online