Jimco, February 09, 2007(HOL): Dadka Muqdisho ku dhaqan oo maalmahan ay la soo deristay xaalad nabadgelyo darro ah ayaa hadana waxaa soo food saaray sicir barar ku yimid raashinka quutul daruuriga ah ee aysan dadku ka maarmi karin.
Sicir bararka ku dhacay Raashinka ayaa wuxuu yimid kadib markii uu sare u kacay sarifka Doollarka oo ganacsatadu ay ku jaan-gooyaan badeecadahooda, wuxuuna sara-kaca Sarifka Doollar uu yimid kadib markii Suuqyada Muqdisho la soo geliyay lacag Shillin Soomaali ah oo la sheegay in ay soo dabacatay Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo aan wax lagu iibsaneyne iyadii lagu iibsanayo lacag Doollar ah.
Boqolka Doollar haatan Suuqyada Muqdisho wuxuu ka marayaa 1,580,000 Sh. So ah, wuxuuna Bashiir Cabdi oo ka mid ah Sariflayaasha Muqdisho uu ka codsaday Dowladda Federaalka in ay lacagtaas xakameyso oo aysan ogolaanin in lagu bedesho lacag Doollar ah, kaliyana ay u isticmaasho mushaarka iyo gunnooyinka la siinayo shaqaalaha dowladda, halka ay haatan dad ganacsato ah Suuqyada soo gelinayaan, isla markaana ay ku bedelanayaan Lacagta Doollarka.
Loorka Sokorta ah wuxuu Magaalada Muqdisho ka marayaa 385,000 Sh. So. Loorka Burka ahna 295,000 Sh. So ah, halka Loorka Bariiska ahna uu marayo 287,000 Sh. So ah, waxayna ganacsatada iibisa raashinkan ay sheegayaan in uu qiimo koror ku yimid tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay lacagtaas Suuqyada soo gashay.
Dabcan lacagta cusub ee ay keentay Dowladda Federaalka waa mid loo baahnaa waayo waxaa sii duugoobeysay lacagtii hore oo aaney jirin cid soo bedeleysa, hayeeshee hadana waxaa xusid mudan in loo baahan yahay in lacagtaas la maareeyo oo aan lagu sii deynin Suuqyada.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online