11.5 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ugu baaqay Dowladda Federaalka in ay wada hadallo la furto cid kasta oo ka soo horjeeda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, February 09, 2007(HOL): Siyaasiyiin si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay la hadasho cid kasta  oo ka soo horjeeda, si dowladda ay u noqoto mid taageero buuxda hesha.

 

C/llaahi Xasan Ganey Firimbi ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka  Soomaaliya in ay dib u heshiisiinta gunta hoose ka soo bilowdo, “dowladdu waa in ay dhexdeeda heshiisaa, kadibna ay la heshiisaa cid kasta oo ka soo horjeeda”ayuu yiri C/llaahi Ganey Firimbi.

 

C/llaahi Shiikh Xasan oo isna ka mid ah Siyaasiyiinta Muqdisho ayaa sheegay in ay la tahay in ay dowladda Federaalka wada hadal la furto dadka ka soo horjeeda oo markaasina aysan xal u arkin in ay isku ilaaliso Taangiyo Itoobiyaan ah oo iyaguna  iska tegi doona.

 

“Ciddii ugu dambeysay oo ay la dagaashay waxay ahayd Maxkamadihii Islaamka, waxaana laga rabaa in ay la heshiiso, sidoo kalena ay wada hadal la gasho cid kasta oo ay u arkeyso in ay muhiim u tahay in ay dowladda shaqeyso”ayuu yiri C/llaahi Shiikh Xasan.

 

Baaqa ay jeedinayaan siyaasiyiintan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu sheegay in ay dowladdiisa qabaneyso shir dib u heshiisiineed oo sida uu yiri ay isku maslaxayaan dadka Soomaaliyeed ee horay u dagaalamay.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi oo ka hadlayay furitaanka seminaar lagu baranayo qaabka dib u heshiisiin loogu sameyn karo Soomaalida ayaa sheegay in shirka dib u heshiisiinta ah ee ay ku baaqday Dowladda Federaalka lagu qaban doono gudaha dalka, waxaana hadalkaasi ka soo horjeestay mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadihii Islaamka iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo dalka Jabuuti ku sugan, kuwaasi oo sheegay in aaney suurtagal ahayn in shir dib u heshiisiineed lagu qabto gudaha dalka iyadoo sida ay yiraahdeen ay dalka Soomaaliya heystaan Ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).