11.5 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Koox la baxday Wax iska Caabinta Shacabka Soomaaliyeed oo sheegatay in ay ka dambeyso Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, February 09, 2007(HOL): Kooxdan la baxday Muqaawada Shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta markii ugu horeysay waxay meel fagaare ah ka sheegatay inay ka dambeyso qaraxyada iyo weerarrada lala beegsanayo fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho kula sugan.

 

Nin magaciisa ku soo gaabiyay C/risaaq oo kooxdan u hadlay ayaa maanta ka sheegay Deegaanka Suuqa Xoolaha xili uu ka dhacayay Banaanbax looga soo horjeeday dowladaha Mareykanka, Itoobiya, Kenya iyo Uganda in ay ka dambeeyaan qaraxyada Muqdisho ka dhaca, isla markaana ay sii wadi doonaan tan iyo inta ay dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay isaga baxayaan Ciidamada Itoobiyaanka.

 

C/risaaq waxaa uu intaas ku daray in ay si weyn u cambaareynayaan siyaasadda uu Mareykanka ku wajahayo dalka Soomaaliya, wuxuuna sidoo kalena caddeeyay in ay digniin u dirayaan Ciidamada Afrikaanka ah ee Soomaaliya loo soo dirayo, kuwaasi oo haddii ay yimaadaan uu sheegay in ay dhibaato la kulmi doonaan, waxayna dadkii banaanbaxa isugu yimid ay ugu baaqeen in ay u diyaar-garoobaan difaaca dalka iyo diinta.

 

Kooxdan la baxday Muqaawamada Shacabka Soomaaliyeed oo ay banaanbaxa ka joogeen 10 nin oo si aad ah u hubeysan ayaa waxay diideen  inay sheegaan halka ay xaruntooda tahay, isla markaana ay dhiibaan cinwaan lagala xiriiri karo. Waa markii ugu horeysay oo ay cid sheegato in ay ka dambeyso qaraxyadii dhawaanahan ka dhacayay Magaalada Muqdisho.

 

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ay soo galeen dalka Soomaaliya, gaar ahaana Magaalada Muqdisho ayaa waxaa marba marka ka sii dambeysa soo kordhaya weerarrada lagu qaadayo Xarumaha Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo weliba Fariisimada Ciidamadeeda iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).