11.5 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Dad ay waxyeelo ka soo gaartay Fatahaaddii Webiga Shabeelle oo Kaalmo la gaarsiiyay

- Advertisement -spot_imgspot_img


Jimco, February 09, 2007(HOL): Isbadalkii dhanaca maamulka ah ee ka dhacay guud ahaan Dalka, gaar ahaan Gobalka Hiiraan waxaa ay sababeen  in layskaba ilaawo  dadkii  dhabaatadu ka soo gaartay Fatahaadi uu sameeyay  wabiga Shabeelle  mudo haatan laga joogo  Bil iyo dheeraad, kuwaasi  oo ay la soo daristay dhibaato dhinaca nolosha ah.

 

Tuulada Booco ka mid ah Tuulooyinka hoos yimaada  Magaalada B/weyn   waxaa ay ka mid tahay meelaha  goobaha ay sida weyn ugu barakaceen dadkii ka bara baxay Fatahaada wabigu sameeyay, waxaana dadkaasi in mudo ah ay iska ahaayeen kuwo ka war sugaya  bal in ugu yaraan la soo gaarsiiyo wax ay noloshoodu ku maareeyaan.

 

Hay’ad wadani ah  oo marka maceeda loo soo gaabiyo HIRDA ayaa ku dhawaad 200 oo Qoys oo ku  dhaqan Tuulada Booco gaarsiisay  qeybaha kala duwan  ee Raashinka la quuto,  taasoo ah markii ugu horesay oo ay soo muuqato Rajo mar kale lagu kaalmeynayo dadka dhibaateysan.

 

Eng. Cali Xaaji Shiwac oo Hay’ada uga wakiil ahaa gaarsiinta kaalmada dadka loogu talagalay oo HOL  u waramay ayaa sheegay in 200 Qoys  ay yihiin kuwii ugu darnaa marka la eego dadka ku dhaqan Tuulada, waxaana uu intaas ku daray in  ka hor inta aysan hay’adu  bilaabin kaalmada dadka lagaasiinayo ay sameysay qiimeyn loogu guur galayo nolosha ka jirta Tuulada.

 

Eng. Shirwac waxaa uu intaas ku daray in Qoysaskani ahaayeen kuwo markii horeba isaga noolaa Tacabka beeraha laakiin  dhamaan beerihii ay ka baa ba’een kadib markii ay xididada u siibeen biyihii ka soo rogmaday Wabiga,  waxaana uu intaa sii Raaciyay in ka hor inta aysan kaalmadani gaar in ay nolashooda ku mareyn jireen  Xaabo Dusha looga soo qaado dhul aad u fog taas ah mid aan dabooli karin nolasha liidata ee ka jirta Tuulada.

 

Qoysaska helay Raashinka ay Bixisay  HIRDA ayaa ahaa kuwo aad ugu faraxsan kaalmada la soo gaarsiiyay oo ay ku tilmaameen in ay tahay mid ugu yaraan mudo ay ku dhaafi karaan dhibaatada ka heysata dhinaca cunada.

 

Dhanka kale waxaa Xusid mudan in Tuulada Booco ay tahay hada goob si weyn uu faro ba’an ugu hayo Cudurka shubanka oo sida ay ii sheegeen dadka Tuulada ugu yaraan ku dilay gudaha tuulada Todobaadyadii aynu soo dhaafnay ilaa ku dhawaad 30 Ruux oo u badan Caruur, waxaana arintaas loo nisbeynayaa in ay ka dhalatay Fatahaadii Wabiga iyo waliba iyadoo aysan jirin biyo nadiif ah oo uu dadku isticmaalo.

 

Si kataba arrintu ha ahaatee, wali waxaa jira Qoysas  in dhaha ku sii haya bal in ay helaan kaalmo la soo gaarsiiyo kuwaasoo marka aad dhan ka eegto  u baahan in la caawiyo maadaama Qaarkood ay waayeen wax yaabihii ay noloshooda ku maareyn jireen sida Beeraha, halka kuwo kalana aysan heysan hoy ay dib ugu soo laabtaan  maadaama ay ka bur buriyeen biyihii harqiyay magaalada, islamarkaana aan lahayn dhaqaale ay dib ugu dhistaan.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).