11.5 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Maleeshiyooyin laga soo uruuriyay Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo tababar looga furay Xerada Lug-low

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, February 08, 2007(HOL): Xeradii Ciidamada Lug-low ee gobolka Jubbada Hoose ayaa saakay wuxuu tababar uga furmay maleeshiyooyin laga soo uruuriyay Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, kuwaasi oo tiradoodu ku dhowdahay 1000 nin.

 

Maleeshiyooyinkan oo ay dhinaca tababarka ka kaalmeynayaan Saraakiil Itoobiyaan ah iyo kuwo Soomaali ah ayaa waxaa loo diyaarinayaa sidii ay uga mid noqon lahaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka, isla markaana ay uga qeyb-qaadan lahaayeen howlgallada nabad-sugidda ah ee ay Dowladda Federaalka ka waddo Dalka Soomaaliya.

 

Taliyaha Qeybta seddexaad ee Ciidamada Dowladda Federaalka Col. C/llaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo furitaankii tababarkaas ka hadlay ayaa sheegay in looga baahan yahay maleeshiyooyinka tababarka uu u furtmay  in ay si daacad ah u qaataan tababarka, isla markaana ay diyaar u noqdaan in marka uu tababarka u dhamaado loo qaado meel kasta oo ay Dowladda Federaalka u dirsato.

 

Col. Tashame oo ka mid ah Saraakiisha Itoobiyaanka ah ee Gobollada Jubbooyinka ku sugan ayaa u sheegay Maleeshiyooyinkii tababarka u furmay in ay qabiilka la dagaalamaan, isla markaana ay Qaranka dhisaan, isagoo caddeeyay in Dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay in ay intii karaankeeda ah ay wax la qabato Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Maleeshiyooyinka uu tababarka u furmay ayaa saakay lagu dhex arkayay Maleeshiyooyin ka mid ahaa Maxkamadihii Islaamka, kuwaasi oo sheegay in ay doonayaan in ay ka mid noqdaan Ciidamada Dowladda Federaalka, waxyana maleeshiyooyinkan go’aankaas qaateen kadib markii ay Dowladda Federaalka shaaca ka qaaday in cafis loo fidiyay maleeshiyooyinkii ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr xero oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxay tababar uga furtay Ciidamo ka mid noqon doona Dowladda federaalka, inkastoo aaney ilaa iyo haatan si rasmi ah u howlgelin Ciidamadaas tababarka loo sameeyay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).