11.5 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dooday Qaabka ay Dib u heshiisiinta u sii ballaarin karto

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, February 08, 2007(HOL): Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo fariisinkiisu yahay magaalada Baydhabo ayaa maanta waxay ka doodeen qaabka ay Dowladda Federaalka u wajaheyso dib u heshiisiinta uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana kulankii maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe ka qeybgalay 142 mudane.

 

Wasiirka Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay maanta ka doodeen sidii dib u heshiisiinta loogu baahin lahaa guud ahaan dalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay Xildhibaanadu isla garteen in loo baahan yahay in dib u heshiisiinta la gaarsiiyo dalka oo dhan min gobol, degmo ilaa tuulo.

 

Wasiirka cusub ee dib u heshiisiinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxaa uu intaas ku daray in Dowladda Federaalka oo ka soo baxday shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee Kenya lagu soo gebagebeeyay ay haatan go’aansaday in ay dib u heshiisiinta ku sii baahiso Dalka oo dhan, si ay isu saamaxaan Qabaa’illadii ay colaadaha horay u dhexmareen.

 

Dhanka kalena, Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ayaa maanta waxaa lagu dhaariyay 19 xubnood oo ku soo biiray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kadib markii uu Ra’iisal Wasaare Geedi isku shaandheyn ku sameeyay, waxaana xafladdii lagu dhaarinayay ka qeybgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo kula dardaarmay xubnaha cusub ee ku soo biiray Xukuumadda Federaalka in ay xilkooda u gutaan sida ay ugu dhaarteen, iyadoo Wasiirkii xilkiisa gudan waayana loo sheegay in xilka laga qaadi doono.

 

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa habeen hore waxaa uu soo saaray wareegto uu isku shaandheyn kula sameynayay Golahiisa wasiirrada, iyadoo wareegtadaasina xilka looga qaaday xubno ka tirsanaa Golaha Wasiirrada oo lagu eedeeyay in ay ku sifoobeen xil gudasho la’aan iyo ku takri-falid dhaqaale soo galay Wasaaradahooda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).