Khamiis, February 08, 2007(HOL): Labo ruux ayaa geeriyootay, lix ruux oo kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii ay saakay is-rasaaseyn xooggan ku dhexmartay Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose maleeshiyooyin horay u joogi jiray Degmada Afgooye oo dadka baad ka qaadan jiray iyo Ciidamada Booliska Degmadaas.
Labada Ruux ee geeriyootay ayaa mid ka mid ah waxaa uu ahaa maleeshiyooyinkii weerarka soo qaaday, halka qofka kalena uu ka mid ahaa dadka rayidka ah ee ku dhaqan Degmada Afgooye. sidoo kalena dadka dhaawacmay ayaa iyaguna waxay ahaayeen dad rayid ah oo ka dhawaa halka ay is-rasaaseyntaka dhacday.
Taliyaha Ciidamada Asluubta Degmada Afgooye C/llaahi Axmed Iidey ayaa sheegay in ay maleeshiyooyinkii dadka ka qaadan jiray lacagta baadda ah ay isku dayeen in ay mar kale ku soo celiyaan Degmada falalkoodii guracnaa, wuxuuna sheegay in ay Ciidamada Booliska Degmada ay ka hor-tageen, isla markaana ay haatan firxadkooda ku sii raad-joogaan.
Degmada Afgooye ayaa muddo 11 sano ah waxaa ka talinayay maamul aysan dad deegaanka soo dooran, hayeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ay dhawaan mas’uuliyiinteeda ka soo degeen Degmadaas waxay u sameeyeen maamul ay mas’uuliyiintiisa ka soo jeedaan deegaanka, kaasi oo haatanba howshiisa si caadi ah u wata.
Maamulka cusub ee loo magacaabay Degmada Afgooye ayaa wareegto uu dhawaan soo saaray wuxuu ku mamnuucay in gudaha degmada ay hub ku qaadato cid aan ka tirsaneyn Ciidamada Maamulka, inkastoo amarkaas uu u muuqdo mid aan weli dhaqangelin bacdamaa saakayba ay maleeshiyooyin hubeynsan ay isku dayeen in ay weeraraan Saldhigga Booliska Degmada Afgooye.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online