11.5 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Yemen gaaray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, February 08, 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddigii Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo muddooyinkan ku suganaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya  ayaa maanta gaaray Magaalada Sanca ee Dalka Yemen, halkaasi oo ay ku sii sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka.

 

Shiikh Shariif ayaa intii uu ku sugnaa dalka Kenya, waxaa uu halkaasi kulamo kula qaatay Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Dowladaha Kenya iyo Mareykanka, iyadoo sidoo kalena uu kulan la qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Magaalada Nairobi Mr. Micheal Rannberger, kaasi oo ay isla soo qaateen arrimo ku saabsan sidii ay xal loogu heli lahaa mushkiladda Soomaaliya, isla markaana ay mas’uuliyiinta qunyar socodka ah ee ku jira Maxkamadaha Islaamka ay uga qeyb-qaadan lahaayeen Shir dib u heshiisiineed oo la qabanayo Soomaaliya.

 

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo horay loo hadal hayay in uu isu dhiibay Dowladda Kenya ayaa dhawaan mar uu la hadlayay Saxaafadda waxaa uu sheegay in uusan is-dhiibin, balse uu Kenya ku tegay xiriir ay la soo sameeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya iyo weliba kuwo ka tirsan Safaaradda Mareykanka ee Nairobi.

 

Guddoomiyaha Guddigii Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in marka uu Yemen tago uu kadib u sii baqooli doono dalal kale oo uu casuumaad ka helay, inkastoo uu ka gaabsaday in uu sheego kuwa ay ahaayeen dalalkaas. Shiikh Shariif waxaa uu soo dhaweeyay hadalkii dhawaan ka soo yeeray madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ee ahaa in dib u heshiisiin guud loo qabanayo dadka Soomaaliyeed.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).