12.6 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Xildhibaan Maxamed Qanyare oo si kulul u beeniyay In Deegaanka Deyniile laga soo qabtay Dad farsameynayay Waxyaabaha qarxa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, February 08, 2007(HOL): Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax ayaa si kulul u beeniyay hadal uu sheegay Wasiir ku xigeenka Gaashandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho ku sheegay in ay deegaanka Deyniile ka soo qabteen dad farsameynayay waxyaabaha qarxa.

 

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in ay Ciidamada Dowladda Federaalka  ka soo qabteen deegaanka Deyniile, gaar ahaan Dugsiga 5aad dad farsameynayay waxyaabaha qarxa iyo weliba 250 Fiyuus oo laga farsameeyo waxyaabaha qarxa, wuxuuna carrabka ku dhuftay in qaraxyada Muqdisho ka dhaca waxyaabaha loo adeegsado halkaas laga soo farsameyn jiray

 

Haddaba Maxamed Qanyare oo hadalkaas daba joogay ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin hadalka uu sii daayay Salaad Cali Jeelle, isla markaana aysan Dugsiga 5aad oolin waxyaabo qarax sameyn kara, “Dugsigaas waxaa laga ridi jiray Madaafiic xiligii uu dagaalka nagala dhaxeeyay Maxkamadihii Islaamka, waxa yiilay oo loogu tegi karayna waxay ahaayeen Qolofyada Rasaastii halkaas laga riday”ayuu yiri Maxamed Qanyare oo nasiib darro ku tilmaamay in ay Salaad Cali Jeelle aqoontiisa hubka intaas la ekaato.

 

“Salaad Cali Jeelle been ayaa Dayniile keentay, haddii uu mar kale ku soo laabto nasiibkiis ayuu qabaa wixii uu halkaas kala kulmo”ayuu yiri Maxamed Qanyare oo sheegay in socdaalka uu Salaad Cali Jeelle uu ku tegay Deegaanka Dayniile ay tahay mid ujeedo laga leeyahay.

 

Maxamed Qanyare waxaa uu sheegay in aysan hub iyo wax qarxa oolin deegaankiisa, isla markaana uu hubkiisii ku wareejiyay Dowladda Federaalka, sidaas darteedna aysanba jirin sabab uu hub kale u sii heysto, wuxuuna ugu baaqay dowladda Federaalka in ay wax ka qabato kooxaha ay ogtahay ee ka dambeeya falalka nabadgelyo darrada ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).