12.6 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Seddex ruux oo maanta siyaabo kala duwan loogu dilay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, Febraayo07,2007(HOL): Seddex Ruux oo rayid ah ayaa maanta siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho, iyadoo dilkoodana ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan.

Labo nin ayaa kooxo maleeshiyooyin ah oo ku hubeysnaa bastoolado waxay ku dileen meel shaah lagu cabo oo ku dhow  Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Telecom Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, kadibna wey isaga tageen iyadoo aan la qaban.

Dad ka dhawaa halka labada nin lagu dilay ayaa sheegay in ay maleeshiyooyinka dilka geystay ay dul tageen ragga la dilay, kadibna ay ku dhufteen rasaas ay u naf waayeen, lamana yaqaano ilaa iyo haatan sababta raggaasi loo dilay.

Sidoo kalena Darawalka Gaari BL ah oo marayay Wadada Wadnaha, gaar ahaan Nawaaxiga Geed Jaceyl ayaa geeriyooday lix ruux oo ka mid ah rakaabkii gaarigaasna wey dhaawacmeen kadib markii ay rasaas huwiyeen kooxo burcad ah oo doonayay in ay baartaan rakaabka gaariga saarnaa.

Sababta keentay dhimashada Darawalka iyo Lixda rakaabka ah ayaa lagu sheegay iyadoo nin ka mid ah rakaabkii gaariga saarnaa uu Bastoolad ula baxay kooxdii burcadka ahayd ee dooneysay in ay gaariga dhacaan, taasina waxay keentay in ay burcaddii gaariga ka boodaan kadibna ay rasaaseeyaan Gaarigii rakaabka ahaa.

Habeenkii xalay ahaa  kooxo hubeysan ayaa waxay weerar la beegsadeen Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho, inkastoo aaney weerarkaas ka dhalan wax dhimasho iyo dhaawac ah marka laga reebo in uu burbur soo gaaray albaabka hore ee Hotelka oo ay ku dhaceen labo gantaal oo ay kooxda weerarka soo qaaday ku dhufatay.

Waxaa sii xumaaneysa  xaaladda nabadgelyo ee magaalada Muqdisho, ilaa iyo haatanna ma muuqato wax tallab ah oo ay Dowladda Federaalka ka qaadeyso kooxaha ka dambeeya falalka nabadgelyo darrada ah, marka laga reebo in ay marka kasta Saraakiisheeda ammaanka ay sheegayaan in ay howlgallo nabad-sugid ah ku dhaqaaqi doonaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).