12.6 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Magaalada Muqdisho oo ay ku soo badanayaan Qaraxyada, Dilka iyo Af-duubka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, February 07, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho Maalmahan xaalkeeda caadi ma ahan, nabadgelyo la isku haleyn karana kama jirto, waxaa ka dhaca dilal isugu jira kuwo qorsheysan oo lala beegsanayo dad ku jira Dowladda Federaalka iyo kuwo ka tirsanaa amaba taageersanaa maxkamadihii Islaamka iyo dilal kale oo ay geystaan kooxo dadka dhaca.

 

Waxaa soo wehliya dilalkaas Qaraxyo ay fuliyaan kooxo aan la heyb aqoonsan, kuwaasi oo beegsada inta badan fariisimada dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya, walow inta badan madaafiicda ay tuuraan ay ku dhuftaan guryo ay ku nool yihiin dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

Xalay ayaa ugu dambeysay waxaa la weeraray Hotel lagu magacaabo Ambassador oo Muqdisho Wadada Makka Al-Mukarama ku yaala, sababta loo weeraray ilaa iyo haatan lama yaqaano, waxayse kooxihii soo weeraray oo cararay ay labo gantaal ku dhufteen iridka hore ee Hotelka.

 

Halkaas cidna waxba kuma noqon waxayna mas’uuliyiinta Hotelkaas ay is-weydiinayaan sababta markii labaad loo bar tilmaameedsanayo Hotelkooda iyadoo ay magaalada Muqdisho ku yaaliin Hotello kale.

 

Maxamed Abuukar Qafaal oo ku dhow Milkilaha Hotelka iska leh ayaa isweydiiyay sababta Hotellada Laf-weyn iyo Ambassador oo milkiyadooda uu hal ruux leeyahay  loo bar tilmaameedsanayo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uusan kala caddeyn karin in ay weerarradaas ka dambeeyaan kooxo ganacsato ah oo ka maseyrsan dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee ay sameynayaan iyo in ay kooxo kale ka dambeeyaan.

 

Maxamed Abuukar Qafaal waxaa uu ku cel celiyay  in ay yihiin dad ganacsato ah oo aan cidna dhibaato u geysan, sidaas darteedna aysan garan karin sababta loo bar tilmaameedsanayo goobahooda ganacsiga, wuxuuse caddeeyay in ay iska difaaci doonaan kooxaha weerarada ku soo qaada haddii ay mar kale isku dayaan in ay soo weeraraan.

 

Dhanka kalena, waxaa maalintii shalay ahayd laga af-duubtay Xaafadda Xamar Jadiid ee magaalada Muqdisho Mas’uul ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud oo lagu magacaabo C/rashiid Cali Ceynaanshe, kaasi oo ay af-duubteen kooxo hubeysan oo watay Gaari Mark II ah.

 

Ceynaanshe maalintii labaad ayuu ku jiraa gacanta kooxahaas af-duubayaasha ah, waxayna warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in loo af-duubtay sabab la xiriirta aano Qabiil.

 

Magaalada Muqdisho oo mudadii ay ka talinayeen Maxkamadihii Islaamka ahayd mid ammaan ah ayaa haatan xaalkeeda wuxuu yahay mid aan hagaagsaneyn, waxaana yaraaday dhaqdhaqaaqa iyo isu socodka dadka, gaar ahaan xiliga habeenkii, waxayna dadku inta badan guryahooda galaan xili hore oo fiidkii ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).