Talaado, February 07, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa xalay wareegto uu soo saaray waxaa uu ku caddeeyay in uu isku shaandheyn ku sameeyay xubnaha Golahiisa Wasiirrada.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa isku shaandheynta uu sameeyay waxaa uu ku sababeeyay in ay xubnaha Wasiirrada qaarkood ay ku sifoobeen xil gudasho la’aan iyo lunsasho lacago soo galay Wasaaradaha qaarkood.
Xuseen Maxamed Caydiid oo ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa loo magacaabay Wasaaradda Howlaha Guud, halka Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere oo xilkaas horay u hayayna loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Madoobe Nuunow Maxamed ayaa loo magacaabay Wasaaradda Warfaafinta, halka Cali Axmed Jaamac Jengeli oo xilkaas horay u hayayna loo magacaabay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha. Saalim Caliyow Ibrow oo isna hayay xilka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa loo magacaabay Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare, halka uu xilkaas waayay Xuseen Maxamuud Shiikh Xuseen.
Drs. Qamar Aadan Cali waxaa loo magacaabay Wasaaradda Caafimaadka, waxaana xilkaas horay u hayay oo waayay C/Casiis Shiikh Yuusuf, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa loo magacaabay Wasaaradda Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha, halka xilkaas laga qaaday Maxamuud C/llaahi Jaamac Sifir.
Saciid Xasan Shire oo horay u hayay xilka Wasaaradda Dib u dhiska ayaa lagu bedelay C/raxmaan Cabdalla, Maxamuud Salaad Nuur oo isna horay u hayay xilka Wasaaradda Macdanta iyo biyaha waxaa lagu bedelay Maxamed Nuuraani Bakar, Avv. Xasan Dhimbil Warsame ayaa loo magacaabay Wasaaradda Garsoorka, kadib markii uu Shiikh Aadan Madoobe oo xilkaas hayay uu noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kalena waxay isku shaandheyntan saameysay Wasiiru dowlayaasha iyo wasiir ku xigeennada Xukuumadda Federaalka, kuwaasi oo iyana qaar xilalkoodi waayeen, halka kuwo kalena la isku bedelay.
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo xalay waqti dambe soo saaray Wareegtadan uu isku shaandheynta ku sameeyay ayaa sheegay in uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka aqbalay isku shaandheynta uu sameeyay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo seddex jeer uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa markii ugu dambeysay waxaa la dhimay tiradeeda oo ku dhaweyd 200 xubnood, waxaana tiro dhimistaas ku baxay xubno badan oo ku jiray Golaha Wasiirrada, halka haatanna kuwo kale ay ka hareen Xukuumaddii koobneyd.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online