Talaado, February 06, 2007(HOL): Madfac Hoobiye ah oo aan la ogeyn meel laga soo tuuray ayaa saakay barqadii ku dhacay meel u dhow Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho, inkastoo uusan madfacaasi wax khasaare ah geysan.
Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Cali Saciid Shiikh Xasan ayaa ka warbixiyay qaraxaas, wuxuuna sheegay in madfacaas oo ku dhacay meel u dhow Dugsigii Allaahi-da uusan wax khasaare ah geysan, marka laga reebo in uu burburiyay halkii uu ku dhacay oo ahayd meel banaan oo laami ah.
Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan waxaa ka jira madaafiic la iska tuurayo oo qaarkood ay ku dhacayaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan, waxayna madaafiic xili habeen ah todobaadkii hore lagu tuuray dhowr xaafadood oo Muqdisho ku yaala ku dhintay ilaa 7 ruux oo dhamaantood rayid ah.
Sidoo kalena waxaa madaafiic lagu garaacay Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, inkastoo aysan goobahaasi cidna waxba ku noqon, walow ay dadka goobahaas ku dhow ay si weyn u argagax geliyeen madaafiicda dul martay.
Madfaca ku dhacay agaarka Villa Somalia ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo habeen hore ay kooxo hubeysan weerar ku qaadeen Dekedda weyn ee Muqdisho oo xiligaas ay Maraakiib ku xirnaayeen. Weerarka lagu qaaday Dekedda Muqdisho ayaa wuxuu keenay in la bur buriyo sandaqo ay dad masaakiin ah nolol maalmeed ku raadsan jireen, kuwaasi oo ku yaalay agagaarka Dekedda, iyadoo sababta loo bur-buriyayna lagu sheegay in laga baqayo in ay ku soo dhuuntaan kooxaha weerarrada ku qaada goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia