12.6 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Guddoomiyihii Maxkamadaha Islaamka Gobollada Jubbooyinka oo isagoo dhaawac ah saxaafadda kula hadlay Magaalada Kismaayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, February 06, 2007(HOL): Guddoomiyihii Maxkamadaha Islaamka Gobollada Jubbooyinka Axmed Shiikh Maxamed Islaan oo ku dhaawacmay duqeyntii ay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen Koofurta Soomaaliya ayaa isagoo dhaawac ah waxaa saakay lagu arkay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii in muddo ah lagu hayay xero ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya oo magaaladaas ku taala.

Axmed Shiikh Maxamed Islaan ayaa isagoo dhaawac ah waxay Ciidamada Itoobiyaanka ka qabteen Tuulo ka tirsan Deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna Axmed Madoobe sheegay in intii ay hayeen Ciidamada Itoobiyaanka ay si wanaagsan ula dhaqmeen, wax kasta oo uu u baahan yahayna ay u sameyn jireen.

Guddoomiyihii hore ee gobollada Jubbooyinka u qaabilsanaa Maxkamadihii Islaamka ayaa sheegay in uu ka mid ahaa mas’uuliyiintii ugu hadalka kululeyd ee sida weyn u cambaareyn jiray Dowladda Itoobiya, wuxuuna caddeeyay in uu wax weyn iska bedelay fikirkii uu ka qabay Ciidamada Itoobiya, isagoo caddeeyay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ay yihiin dad ka duwan sida loo maleynayo.

Axmed Madoobe oo saxafiyiinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa intaas ku daray in uu ka dhaawacan yahay 13 meelood oo jirkiisa ka mid ah, wuxuuna codsaday in Isbitaal Dibadda ah loo qaado, gaar ahaan Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya si looga daweeyo dhaawacyada uu qabo.

Axmed Madoobe oo intii uu hadlayay ay indhihiisa ilmo ka soo buuxsameysay waxaa uu sheegay in ay diyaaradaha Mareykanka duqeyn aad u daran u geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen dad rayid ah, waxaana loo qaatay in ay ilintaas ka keentay in uu xusuustay dad uu yaqaanay oo duqeyntaas ku geeriyooday, bacdamaa uu isaguba si daran ugu dhaawacmay.

Saraakiisha Itoobiyaanka ah ee hayay Axmed Shiikh Maxamed Islaan ayaa odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Magaalada Kismaayo oo ay la kulmeen waxay u sheegeen in haatan wixii ka dambeeya uu Axmed Madoobe xor yahay, meeshii uu doonana uu aadi karo, waxaana hadalkaasi si weyn u soo dhaweeyay ehelada iyo asxaabtii Axmed Madoobe oo iyagu joogay halkii uu saxaafadda kula hadlayay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).