12.6 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Dalalka Carabta iyo Beesha Caalamka ka codsaday in ay taageero dhaqaale u fidiyaan Dowladda Federaalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, February 06, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa baaq u jeediyay Dalalka Carabta iyo kuwo kale ee Beesha Caalamka in ay taageero dhaqaale u fidiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay uga baxdo marxaladda xasaasiga ah ee ay ku jirto.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay uga baahan tahay beesha Caalamka taageero maaliyadeed ee ay uga gudubto marxaladaha dhaqaale la’aaneed ee heysata, wuxuuna intaas ku daray Madaxweynaha in ay weli sugeyso Dowladdiisa ballanqaadyo dhaqaale oo ay Dalalka Carabta iyo Beesha Caalamkaba u sameeyeen.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo u waramayay Wakaaladda Wararka Yemen ee SABA ayaa ammaanay Dowladda Yemen oo uu sheegay in kaalin mug leh ka qaadatay dib u heshisiinta Soomaaliya iyo weliba taageeridda Dowladda Federaalka, wuxuuna ka rajeeyay in ay dadaalkeeda sii laba laabi doonto.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf wuxuu sheegay in madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax uu yahay madaxweynaha kaliya ee Carbeed ee daneynaya in xal laga gaaro Mushkiladda Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in aysan dadka Soomaaliyeed iloobi doonin abaalka ay u gashay Dowladda Yemen.

Dhanka kalena, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in aysan Dowladdiisa wada hadal la geli doonin mas’uuliyiinta Maxkamadihii Islaamka oo uu ku sheegay in ay yihiin kuwo dembiyo galay, wuxuuna caddeeyay in ay Dowladda Federaalka la hadli doonto cid kasta oo nabad dooneysa oo aan dadka Soomaaliyeed dhibaato u geysan.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu ka hadlay falalka nabadgelyo darrada ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho iyo weliba Weerarrada lala beegsanayo Xarumaha Dowladda, wuxuuna sheegay in ay falalkaas ka dambeeyaan dad argagixiso ah oo doonaya in aysan dalka Soomaaliya nabad ka dhicin.

Madaxweynaha waxaa uu caddeeyay in dadka falalkaas ka dambeeya ay ku fikirayaan in haddii ay dilaan mas’uuliyiinta Dowladda ay sidaas dowladda ugu dhamaan doonto, wuxuuse carrabka ku dhuftay in aysan arintu sidaas ahayn oo dowladdu ay meesheeda ka sii socon doonto haddii uu geeriyoodo mid ka mid ah mas’uuliyiinteeda sare.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).