12.6 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Ma Dhab baa in Qaraxyo laga abaabulayo gudaha Magaalada Beledweyne?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, February 6, 2007(HOL): Taliyaha ciidamada Booliska ee Gobalka hiiraan  Col. Xuseen Shugri Axmed ayaa sheegay in laga war helay in gudaha magaalada B/weyn laga abaabulayo sida warka uu u dhigay  qaraxyo lala damacsan yahay Goobo muhiim ah oo gudaha magaalada ku yaala, isagoo intaas ku daray in warka arintaas ku saabasan ay ciidamada boolisku ka heleen ilo lagu kasoonaan karo.

 

Taliyaha oo u waramayay warfidiyeenka ayaa sidoo kale sheegay in labadii cisho ee la soo dhaafay si weyn loo soo galiyay qeybo ka mid ah magaalada  hub kuwa qarxo ah oo sida uu sheegay laga keenay dhinaca magaalada muqdisho, isagoo intaa ku daray in ciidamada Boolisku ku raad joogaan sidii loo ogaan lahaa goobaha hubkaasi la geeyay iyo waliba cida ku lugta leh.

 

Col. Xuseen Shugri Axmed oo HOL ay weydiisay su’aal aheyd wax ay ku xaqiijin karaa  in hubkaasi la keenay gudaha magaalada mar hadii aysan ciidamadu arkin, waxaa uu ku jawaabay in marka tuhun ceenkaas oo kale ah la helo ay qasab tahay in ciidamadu digniin sii bixiyeen si markaa shacabku uga sii war hayo, isagoo intaana sii raaciyay  in ciidamadu heegan buuxo ku jiraan islamarkaana lala socon doono dhaq-dhaqaaq jira.

 

Warka ka soo baxay ciidamada booliska ayaa sidoo kale intaa ku daray in kooxahan la tuhunsan yahay yihiin kuwo xiriir la leh kooxihii maxkamadaha ee laga taagta roonaaday, gaar ahaan dhinaca magaalada Muqdisho oo uu sheegay in hubka xoogiisu ka soo galay sida markaa ayuu yiri magaalada looga dhigo mid aan daganeyn.

 

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn jiritaanka warka ka soo baxay dhinaca booliska ayaa hadana waxaa xusid mudan in warkaasi ku beegmay xili gudaha magaalada lagu arkay warqado aan la ogeyn cida  soo qortay kuwaasoo  lagu soo dhigay erayo digiini ah, warqadaha oo mid ka mid ah HOL aqrisay ayaa kooxaha soo qoray waxaa ay ku sheegeen in ay Qarxayo ka geysan doonaan goobaha ay howl-gasho hay’ada MSF oo dhawaan albaabada u furtay isbitaalkii weynaa ee magaalada B/weyn,  waxaana marka aad arinkan dhan ka eegto la oran karaa waxaa warqadahaa soo qaray kuwa aan wax naxariis ah u heyn bulshada Gobalka oo in ka badan 8 sano aan helin adeeg caafimaad oo toos.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).