12.9 C
London
Tuesday, October 14, 2025

UN-ka oo Walaac ka muujiyay Caruurta ku dhimaneysa isku dhacyada hubeysan ee ka jira Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, February 6, 2007(HOL): Sarkaal sare oo u hadlay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan daryeelka Caruurta ee UNICEF Mr. Christian Balslev-Olesen ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya dalka Soomaaliya ee colaadaha u dhaxeeyaan in ay  u turaan caruurta Soomaaliyeed, isla markaana ay ka hortagaan wax kasta oo dhimasho iyo nolol xumo u keeni kara.

 

Mr. Christian Balslev-Olesen waxaa uu sheegay in ay Caruurta Soomaaliyeed ku dhintaan colaadaha iyo isku dhacyada ka jira dalka Soomaaliya, taasina wuxuu ku tilmaamay ayaan darro heysata dhallaanka Soomaaliyeed, “Caruurta ma ahan in ay isku dhacyada ku dhintaan ee waa in ay Dugsiyada aadaan, isla markaana maamullada ka jira meelaha ay xasaradaha ka jiraan ay ka hostagaan dhibaatooyinka soo gaaraya Caruurta ” ayuu yiri Christian Balslev-Olesen.

 

Hadalkan ay soo saartay UNICF ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo caruur badan ay ku dhinteen weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ay kooxo hubeysan ka sameeyaan magaalada Muqdisho tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamada Dowladda Federaalka soo galeen dalka Soomaaliya, gaar  ahaana caasimadda Muqdisho, waxayna halkii ugu dambeysay oo ay dad rayid ah ku dhintaan ay ahayd Dugsigii Hoose/Dhexe ee Taleex, waxaana halkaasi ku nolaa dad soo barakacay.

 

Dhanka kalena, Shir ka dhacaya Magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa waxaa ka dhacaya shir looga hadlayo joojinta askareynta ciidamada, waxaana shirkaasi ka qeybgelaya wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo horay u sheegay in marka ay shirkaasi tagaan ay jeedin doonaan codsi ku saabsan in Dowladda Soomaaliya lagu gacan siiyo sidii ay dhaqancelin ugu sameyn lahayd ilaa 70,000 oo Caruur ah oo ay ciidamo ka dhigeen Maxkamadihii Islaamka iyo weliba Hoggaamiye Kooxeedyadii ka horeeyay.

 

Ilaa iyo 13 Dal oo caalamka ayaa la sheegay in Caruurta Ciidan ahaan loo adeegsado, waxaana dalalkaasi ka mid ah Afghanistan, Burundi, Chad, Colombia, Democratic Republic of Congo, Ivory Coast, Myanmar, Nepal, Phillipines, Sri Lanka, Somalia, Sudan iyo Uganda, waxaana sida ay shaacisay Hay’adda Save the Children Alliance ay caruurtaasi badankood yihiin kuwo la kulma tacadiyo inta askar ahaanta loo isticmaalayo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).