12.9 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal Maanta ka dhacay Degmada Guriceel

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, Feb, 5 2006 (HOL)   Wararka ka soo baxaya Degamada Guri-ceel ee Gobalka Gal-gaduud ayaa sheegaya in xaaladu dagen tahay ka dib dagaal qaraar oo halkaa ku dhax maray Maleeshiyada deegaanka iyo ciidamada dowlada Federaalka.

 

Sida uu HOL u sheegay wariye halkaa jooga dagaalka maanta dhacay oo ahaa mid labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka culus, ayaa waxaa ku geeriyooday  2 ka tirsan ciidamada dowlada federaalka halka wararku intaa ku darayaan in ka badan 7 ruux ay ku dhaawacmeen kuwaasoo ka kala tirsan labada dhinac ee dagaalku dhaxmaray.

 

Ciidamada dowlada ee dagaalka la galay kuwa Maleeshiyada ah ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in markii hore ay isku dhaceen  Koox maleeshiyo ah oo ay jidgooyo u tiilay Afka hore ee Degmada Guri-ceel, lakiin ay xoog ku sii dhaafeen,  waxaana dagaalka maanta ka dhacay gudaha degmada Guri-ceel uu ku sii fiday dhinaca Koonfurta Magaalada,

 

Ciidamadan oo ka soo jeeday dhinaca Puntland ayaa ka yimid magaalada muqdisho, mana aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale isku dhac uu u dhaxmaro ciidamada Puntland iyo  maleeshiyada ka soo jeeda dhinaca deegaanka Guri-ceel,  iyadoo mudo hatan laga joogo labo Todobaad uu iska hor imaad ku dhaxmaray gudaha degmada ciidamo ka yimid dhinaca Puntland iyo dad sida la sheegay siweyn uga careysnaa socdaalka ciidamada.

 

wararkii ugu danbeeyayna waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Puntland wali ay ku sugan yihiin Goob ka mid ah Gobalka Gal-gaduud walow aan si Rasmi ah loo xaqiijin karin, lakiin warar u dhaw dhinaca xog-ogaalnimada ayaa sheegaya in ay u leexdeen dhinaca degmada Balan-bal oo ka tirsan   Gobalka Gal-gaduud.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).