12.9 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xubno ka socday Kooxda JNA oo Baydhabo shir ku yeeshay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, February 05, 2007(HOL): Waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Wasiirrada ee Magaalada Baydhabo xubno metelayay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo kuwo kale oo ka socday Kooxdii JNA (Joint Needs Assessment) ee soo qiimeynta baahida Soomaaliya.

 

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye oo shirkaas kadib saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay labada dhinac kulankooda uga wada hadleen sidii loo soo af-jari lahaa oo gunaanad mid loogu sameyn lahaa Barnaamijkii soo qiimeynta Baahida Soomaalida ee ay wada wadeen UN-ka Bangiga Adduunka, Midowga Yurub iyo xubno metelayay Aqoonyahannada Soomaaliyeed.

 

Xuseen Ceelaabe oo sheegay in ay isku af-garteen labada dhinac waxyaabihii ay ka wada hadleen waxaa uu intaas ku daray in kulamo looga hadlayay soo qiimeynta baahida Soomaalida ay horay uga dhaceen ilaa 6 gobol oo dalka Soomaaliya ka tirsan, wuxuuna caddeeyay in daraasadda laga sameeyay baahida ay qabaan dadka Soomaaliyeed loo gudbin doono deeq bixiyayaasha caalamka balse inta aan la gudbin daraasooyinkaas ay seddex todobaad kadib is-arki doonaan Xubnaha JNA-da iyo Xubnaha metelayay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

Qaar ka mid Gobollada dalka Soomaaliya ayaa  intii ay socotay daarasadda lagu qiimeynayay baahida Soomaalida waxaa soo baxayay cabashooyin laga muujinaya qaabka loo sameeyay daraasadda lagu eegayay baahida ay qabaan dadka Soomaaliyeed, iyadoo waxyaabaha ugu badan ee laga cabanayayna ay ka mid ahaayeen in si isku mid ah loo qiimeeyay baahida gobollada dalka, iyadoo la ogyahay in aaney isku baahi ahayn Gobollada Dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).