Isniin, February 05, 2007(HOL): Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa weeraray kooxo hubeysan oo aad u hubeysnaa, inkastoo aan la sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray dekedda iyo Maraakiib ku xirnaa.
Xalay abaara 3:45am ayaa dadka ku nool agagaaraha dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho waxay ku soo baraarugeen daryanka rasaas xooggan oo lagu ridayay dekedda Muqdisho, iyadoo la sheegay in kooxahaas ay adeegsanayeen qoryaha fudud ee sida darandooriga ah u dhaca iyo kuwa RPG-ga ee ay Soomaalida Baasuukaha u taqaano.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay la arkayaa iyagoo difaac uga jira Dekedda iyo agagaaraheeda, iyagoo baaris xooggan ku haya gaadiidka doonaya in ay dekedda gudaha u galaan iyo kuwa kale ee doonaya in ay maraan wadada hormarta dekedda.
Sidoo kalena Ciidamada dowladda waxay burburiyeen Sandaqado ay dad ganacsato ah ka sameysteen iridka Dekedda, waxaana sababta loo bur burinayo sandaqadahaas lagu sheegay in ay Ciidamadu ka baqayaan in habeenkii loogu soo dhuunto, kadibna lagu qaado weerarro gaadmo ah.
Waa markii labaad oo Dekedda weyn ee Muqdisho weerar lagu qaado, inkastoo la sheegayo in aaney labada weerar wax dhibaato ah ka soo gaarin dekedda. Dekedda Muqdisho, Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Xarunta Villa Somalia iyo goobo kale oo Muqdisho ku yaala ayaa waxaa ku sugan Ciidamo Itoobiyaan ah, waxaana la rumeysan yahay in ay kooxaha weeraraya Dekedda ay bar tilmaameedsanayaan ciidamadaas.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta kale ee dhinaca ammaanka u qaabilsan ayaa waxay sheegayaan in ay tallaabo ka qaadi doonaan kooxaha ka dambeeya falalka Nabadgelyo darrada ah ee Magaalada Muqdisho ka dhacaya, hayeeshee ilaa iyo haatan ma jiraan wax tallaabo ah oo ay Dowladda Federaalka ka qaaday falalka nabadgelyo darrada ah ee Muqdisho ka dhacaya tiiyoo xitaa weerarada qaarkood lagu bar tilmaameedsanayo meelaha ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiinta iyo Ciidamada Dowladda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online