Axad, February 4, 2007(HOL): Wafdi ka socda Midowga Afrika oo xaqiiqo raadin ah ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, iyagoo wada hadallo la leh mas’uuliyiin iyo saraakiil Ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wafdigan oo uu hoggaaminayo sarkaal u dhashay Dalka Uganda ayaa wuxuu socdaalkooda la xiriiraa sidii ay u sahmin lahaayeen qaabka ciidamo ka socda Midowga Afrika loo keeni lahaa dalka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu horay Magaalada Muqdisho u soo gaaray Wafdi kale oo ka socday Midowga Afrika, kaasi oo u kuurgelayay xaaladda Magaalada Muqdisho iyo sida Ciidamo loogu soo diri karo Soomaaliya.
Saakay ayaa la filayaa in ay xubnaha Wafdigan kulan la qaateen Duqa Magaalada Muqdisho Cadde Xasan Cali Gaabow iyo ku xigeenadiisa, kaasi oo ay ka wada hadli doonaan xaaladda Magaalada Muqdisho oo maalmahan ah mid kacsan oo ay ka dhacayeen falal nabadgelyo darro ah oo isugu jira dilal, dhac, weerarro lagu qaadayo fariisimaha Dowladda iyo weliba Madaafiic aan la ogeyn meel laga soo tuuray oo meelo ka mid ah magaalada Muqdisho ku dhacayay.
Booqashada Wafdigan ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan dalka Soomaaliya ay qorsheynayaan in ay isaga baxaan dalka Soomaaliya, isla markaana Ciidamadii laga sugayay Dalalka Midowga Afrika ay u muuqdaan kuwo aan diyaar ahayn, marka laga reebo Dowladda Uganda oo sheegtay in ay diyaarisay 1,500 oo Askari oo ay uga qeybqaadaneyso Howlgalka Nabadeynta Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay Ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Maj. Felix Kulayigye ayaa u sheegay wargeyska The Vision ee magaalada Kampala ka soo baxa in Askari kasta oo ka tirsan Ciidamada Uganda uu mushaar ahaan u qaadan doono inta uu ka howlgelayo Soomaaliya ilaa 500$ oo 100$ oo ka mid ah ay Dowladda Uganda qaadan doonto, halka Askarigii dhaawac soo gaaro uu qaadan doono 150,000$ ilaa 100,000$, iyadoo ay ku xiran tahay hadba sida uu dhaawacaas yahay, Sidoo kalena Askarigii dhinto ayaa reerkiisa waxay magdhow ahaan u heli doonaan 100,000$.
Dalalka Ciidamada laga doonayo ayaa waxay kala yihiin Uganda: oo la diyaar ah 1,500 oo Askari, Nigeria Ghana iyo Burundi oo ballanqaaday in ay ciidamo dirayaan iyo dalalka Malawi, Benin, Tanzania iyo Rwanda oo sheegay in ay ka fiirsanayaan Ciidamo dirista, halka Koofur Afrikana ay caddeysay in aysan ciidamo u direynin Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com