12.9 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Shiikh Shariif oo Yemen u amba baxay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, February 4, 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ka amba baxay magaalada Nairobi oo uu ku sugnaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu dhinaca dhulka ka galay dalka Kenya.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo isagu horay u sheegay in uu Kenya ka tegayo isla markaana uu socdaallo ku kala bixin doono dalal dhowr ah oo xiriir la lahaa Maxkamadahai Islaamka ayaa la sheegay in uu u amba baxay Dalka Yemen.

Waxaa jiray warar isa soo tarayay oo sheegayay in Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu Dalka Kenya ammaankiisa uga baqay, isla markaana uu codsaday in uu Dalka Yemen aado, walow uu Shiikh Shariif beeniyay wararkaas, isla markaana aysan jirin nabadgelyo darro uu ku dareemay dalka Kenya.

Dalka Yemen ayaa waxaa horay ugu sii sugnaa mas’uuliyiin sare oo ka tirsanaa maxkamadihii Islaamka, kuwaasi oo iyagu ka mid noqon mas’uuliyiintii Maxkamadaha ee dhinaca dhulka uga amba baxay deegaanadii ay Maxkamadaha Islaamka ka talinayeen.

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka oo ku kala sugan dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ay xiriiro leeyihiin, isla markaana uu xaalkooda wanaagsan yahay, wuxuuna caddeeyay in ay weli qabaan mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka in dalka Soomaaliya laga saaro Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay dalalka doonaya in ay Soomaaliya ciidamada u soo diraan in aysan ku qatalmin Ciidamo u dirista Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).